Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo Sheegay inay u Taagan Yihiin Midaynta dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi(Qaran news)- Murrashaxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in xalka Somaliland ku xidhan yahay doorashoyinka isa saarka ah ee madaxweynaha iyo ururrada siyaasada.

Sidaasna wuxuu ku sheegay kulan uu la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Kenya, waxaanu tilmaamay in xisbi ahaan aanay hore u arag xabad xal ee ay dooni doonaaan sidii ay ummadda reer Somaliland u midayn lahaayeen.

Waxa kaloo Murashax Cirro ugu baaqay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Kenya inay midoobaan oo danaha dalkooda ka wada shaqeeyaan.

Murrashax Cirro wuxuu sheegay in aanay odhanayn doorashada inay helayaan, hase ahaatee wuxuu xusay in ay dadku arkayaan dabayshu dhinaca ay u socoto.

Guddoomiye Cirro wuxuu jaaliyadda Somaliland uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen, waxaanu ka hadlay xidhiidhka taariikheed ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Kenya muddada dheer.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this