Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaabiista lagu haysto Laascsanood oo ay la soo gudboonaatay macaluuli

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaabiista Somaliland ee ciidan beeleedku ku haystaan magaaladda Laascaanood ayay la soo gudboonaatay cunto yaraan iyo macaluul kadib markii ay maleeshiyaadka haystaa ay u awoodi kariwaayeen in ay quudiyaan maxaabiista.

Iyada oo ay xiligani cunto yaraani ka taagantahay bariga gobolka Sool ayaa ciidan beelleedka haysta maxaabiista ciidanka Somaliland ay u awoodi layihiin in ay sadexda wakhti quudiyaan maxaabiista.

Waxana jirta in qoysaska maxaabiista Somaliland laga hayaa ay ciidamada ay u diraan lacag ay haystayaashu sheegeen in lagu quudinaayo wiilashooda loogu diro habka Zaadka tiraba wiigii sadex jeer.

Dhanka kalana maxaabiista laga hayo iyaga ayaa si sharaf leh loogu hayaa Somaliland itaga oo si bilaash ah oo sharaf lehbu hela quudintooda sadexda wakhti isla markaana ay soo booqan karaan eheladoodu iyada oo aan lagu xidhin wax shuruud ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this