Sign in to follow this  
Jacpher

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed Marwo Xareedo Ibraahim Boolis

Recommended Posts

Jacpher   

I come across this article and couldn't help but wonder whether a joke or yet another creation of state within a failed state. I don't mind electing Marwo Xareedo into Office. Her pretty name has a better shot getting it right than the blood thrust evil men.

 

Annagoo ah Wakiillada Sharciga ah ee Shacbiweynaha Somaaliyeed ee ku hoos nool Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed, isuguna yimid Shirweyne aan caadi ahayn, waxaan dib u qiimeyn ku sameynay guud ahaan xaaladda dalka meesha ay mareyso, gaar ahaanna xaaladda gobollada oo uu ka kooban yahay Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed.

 

Sidaas darteed, annagoo ka haysano kalsooni buuxda dhammaan hoggaamiyeyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahannada, dhallinyarada, haweenka iyo guud ahaan shacbiweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed, waxaan lagama maarmaan u aragnay in loo baahan yahay in boorka laga jafo dhismaha Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed oo lagu dhawaaqay dhismahiisa bishii April kowdeeda, 2002, kaasoo aqoonsi buuxa ka helay dhammaan shacbiweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo bulshada caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

 

Haddaba, si loo horumariyo jiritaanka Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed, isla markaasna loo helo hoggaan siyaasadeed oo karti u leh socodsiinta hawlaha baaxadda weyn ee horyaala maamulka Dowlad-Goboleedka, waxaan go’aaminay inaad soo saarno warsaxaafadeedka hoos ku qoran:

 

Annagoo ah wakiillada sharciga ah ee shacbiweynaha u dhashay gobollada Koonfurgalbeed:

 

Markaan aragnay Axdi Qarameedka DFKS qaybtiisa afaraad, qodobka 18(1) iyo qodobka 19(2)(3) oo qeexaya dhismaha Dowlad-Goboleedyada;

 

Markaan aragnay Axdiga KMG ee Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed;

 

Markaan aragnay iney jiraan ifafaalooyin lagu doonayo in lagu burburiyo jiritaanka Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed;

 

Markaan garowsannay in Madaxweynihii KMG ahaa ee Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed uu ku biiray Xukuumadda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya;

 

Markaan qiimeyney baahida weyn ee loo qabo in la helo hoggaan siyaasadeed oo u gacan bannaan hawlaha Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed;

 

Markaan tixgelinay in midnimada dhulka iyo jiritaanka Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed ay tahay waajib muqaddas ah.

 

Waxaan isku raacnay:

 

In loo hoggaansamo sharcinimada jiritaanka Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed oo ka kooban Gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Gedo, Bakool iyo Baay.

 

In caasimadda Dowlad-Goboleedka Koonfurgalbeed ay tahay Magaalada Baydhabo.

 

In loo baahan yahay in la doorto Madaxweyne cusub oo beddela Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed.

 

Iyadoo arrintaas laga ambaqaadayo ayaa waxaan si buuxda u dooranay inay noqoto:

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Who knows Mama Xareedo may provide much better alternative than killer Ina Yusuf and his Ethiopia-backed government. What say you Naxar?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

Somalis are not enlightened enough yet to have a national president that is a woman.

Or even a man, actually.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this