Sign in to follow this  
Deeq A.

SHARIIF oo si adag hadlay dhacdooyinka argagaxa leh ee ka soo yeeraya Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   
Shariif-2-scaled.jpeg?fit=2560%2C1997&ss

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay colaadda beeleed ee ka soo cusboonaatay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shariif ayaa si adag u cambaareeyay colaadaasi u dhaxeysa dadka walaalaha ah, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo is-dilka, xilli ay meel sare gaartay colaadda kasoo cusboonaatay deegaanno hoostaga gobolkaasi.

“Allah ha u naxariisto intii ku geeriyootay colaadda ka soo cusboonaatay deegaanno hoos taga gobolka Sh/dhexe. Waa wax aad looga xumaado in ay soo laabato colaadda u dhaxeysa dadka walaalaha, si adag ayaan u cambaaraynaynaa, waxaana ku baaqaynaa in deg deg loo joojiyo is dilka dadka ehelka ah,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in maalin walba la dilo dad aan waxba galabsan, xilli dadaal lagu bixinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

“Waxaa nasiib darro wayn ah in la daadiyo dhiigga qof muslim ah iyadoo dadaal lagu bixinaayay nabadda iyo dib u heshiisiinta loo fadhiyo muddada dheer si loo soo afjaro xaaladaha colaadeed.”

Madaxweynihii hore ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in deg deg sharciga loo horkeeno raggii xalay dadka shacabka ah ku laayay duuleedka deegaanka Xaaji Cali, iyada oo la raacayo baaqii Cadale ee sanadkii hore.

“Waxaan ku baaqaynaa in sharciga la hor geeyo dambiilayaasha iyadoo la tix gelinaayo baaqii Cadale ee 25-kii November 2022, waxaan sii laba jibbaari doonnaa dadaalladii aan horey u wadnay ee ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay deegaanka, kamana daali doonno nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha walaalaha ah.”

Hadalka Shariif ayaa imanaya kadib markii xalay dad shacab ahaa lagu laayay agagaarka deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in dadkaas ay waddada u galeen, islamarkaana ay goobta ku dileen ugu yaraan 5 qof, kuwaasi oo ahaa Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Burka Diirimeed lagu soo xiray gogol nabadeed oo ay hormuud u ahaayeen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka, balse weli waxba kama dhaqan-gelin, maadaama ay mar kale dib u qaraxday colaadda u dhexeysa beelaha ee ka taagan halkaasi.

The post SHARIIF oo si adag hadlay dhacdooyinka argagaxa leh ee ka soo yeeraya Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this