Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xildhibaan Dhegaweyne oo si adag uga jawaabay eedeyntii HirShabeelle ee DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaan-Dhegaweyne.png?fit=790%2C498&

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Dhegaweyne oo ka tirsan baarlamaanka HIrShabeelle ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa si adag u weeraray madaxda madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay arrimaha dagaalka, hoggaaminta dagaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh, saluuga maamul ee dadka reer Hiiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle iyo hadaladii ugu dambeeyey ee ka soo yeeray madaxda sare ee HirShabeelle.

Xildhibaanka ayaa madaxda HirShabeelle ku dhaliilay hoggaamin la’aanta dagaalka Al-Shabaab inay ku darsadeen khilaaf ay ka dhex abuurayaan maamulka HirShabeelle iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu mar kale ku celiyey in maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe ay beeshiisa Xawaadle ka qabgto saluug badan, isla markaana uu toos ula saftay beeshiisa, isagoo ah Xildhibaan HirShabeelle ah.

Wuxuu Xildhibaan Dhegaweyne farriin u diray siyaasiyiinta ka sook a soo jeeda beesha Xawaadle ee ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasiirrada, wuxuuna ka codsaday, in beeshooda aan loo adeegsan oo hadii aysan la safa karin ay shartooda ka nabad galaan.

Hadalka Xildhibaan Cabdulqaadir Dhegaweyne ayaa jawaab u ahaa hadal saacadihii lasoo dhaafay ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Dabageed oo si adag u weeraray dowladda federaalka, isagoo sheegay inay maamulkiisa ku hagratay dagaalka Al-Shabaab, marka loo fiiriyo doorkeeda ku aadan howlgallada ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“La dirirka argagixisada bariga HirShabelle, waa lagala wada diriray, galbeedkana qaybyo noo yahay dowladdii Soomaaliyeed way nagu taageereysay waxyaabo badan oo nagu hagratay waa jireen mara iyadaha haddii ay nagu hagratay waxay nooga filneyd dee annaga shacabka HirShabelle ayaa nahay wixii waxaan ku hagran doonaa aan uga filanahay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle.

Hoos ka daawo jawaabta Xildhibaanka

The post Daawo: Xildhibaan Dhegaweyne oo si adag uga jawaabay eedeyntii HirShabeelle ee DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this