Sign in to follow this  
Deeq A.

856 Qoys oo Danyar oo loo Qaybiyay Kaadhadh ay Raashin ku Qaadanayaan 6 Bilood

Recommended Posts

Deeq A.   

856 Qoys oo Danyar oo loo Qaybiyay Kaadhadh ay Raashin ku Qaadanayaan 6 Bilood
IMG-20231022-WA0010.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland, oo kaashanaysa hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee WFP iyo UNHCR, ayaa siwada jira ugu qaybiyay kaadhadh caawimo lagu siinayo muddo 6 bilooda 856 qoys, kuwaas oo isugu jira Qaxoonti iyo soo noqdayaal.

Agaasimaha Waaxda soo noqdayaasha ee hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Rooble Ibraahim Maxamed “Ujeeddada aanu idiinku yeedhnay waa qaybinta mashruuc raashin oo soconaya muddo 6 bilooda, kaadhadh ayaa la idinsiinaya qofkastana bakhaarka ugu dhaw ayuu tagaya, raashinka wax allaale wixii uu doono ayuu ka soo qaadanayaa, dadka kaadhadhkan la siinayaa waa dad ka badan kun qoys, kuwaas oo isugu jira Hargeysa iyo gobollada dalka, WFP waanu u mahadcelinaynaa,”
Sidoo kale masuuliyiintan hay’addaha WFP iyo UNHCR ayaa sheegay in aanay jirin cid ugu mano sheegan karta dadka kaadhadhka la siiyay.
Gaba-gabadii qoysaskii kaadhadhkan la siiyay ayaa hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha iyo hay’addaha WFP iyo UNHCR uga mahadceliyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this