Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo furrin cusub isku furay iyo ‘waxa la gudboon’ si dagaalka u wiiqmin

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-2.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha ku haminaya xukunka madaxtinimada Soomaaliya iyo inta isku safka ah ee la isku yiraahdo mucaaradka ayaa maalmo badan ka aamusna fagaaraha dowladnimada Soomaaliya.

Dowrka ugu weyn ee mucaaridnimada oo ah dheelitirka dowladda xukunka joogta ayay ka gaabsadeen, sababta waxay marwalba ku sheegi jireen inuu dalka dagaal ku jiro oo aanay awoodin inay la dhigtaan madaxweyne dagaal ku jira.

Inkasta oo qaar mucaaradka kamid ah lagu eedeeyay dhowr jeer inay si hoose iskugu dayeen inay dagaalka fashiliyaan, haddana inta badan mucaaradka dowladda federaalka ah ayaa laga waayay fagaarayaasha, iyaga oo muujinayay in madaxweynaha la siiyo fursad uu libin kaga keeno dagaalka.

Qof walba oo uu damac kaga jiro inuu Soomaaliya xil ka qabto waa ogyahay in aysan shaqadaas macno ku fadhin guulna aan laga keeni karin inta ay dalka joogto argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida muuqata shaqo la aqbalo karo ka qabtay dagaalka argagixisada tan iyo markii uu kusoo laabtay xafiiska. Laakiin khudbadii Jimcihii ee masaajidka Madaxtooyada ayaa dib usoo nooleysay dooddaha siyaasiga ah ee Soomaalida.

Xubnaha mucaaradka qaarkood oo ku jiray qoraal cabasho iyo digniin ahaa oo Khamiistii loo diray madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa laga soo xiganaya in madaxweynaha uu furay saaxadii siyaasadda.

Xubnahan ayaa ku dooddaya in madaxweynaha uu dagaalkii ku garab furay dooddo taabanaya hab xukunka, doorashada soo aadan iyo dhismaha axsaabta siyaasadda, taasi oo soo toosisay qof walba oo damac ka leh xukunka dalka.

“Hadda wax nagula eedeeyo ma jiraan, oo madaxweynaha ayaa shaqo u abuuray mucaaradka,” ayay dooddooda ku kabayaan xubnaha mucaaradka qaarkooda.

Dad badan ayaa qaba in madaxweyne Xasan Sheekh u haboon tahay inuu dib u dhigto dooddaha siyaasiga ah iyo arrimaha taabanaya awood qeybsiga dalka, maadaama ay Soomaalida isku raacsan tahay in aan wax badan oo dowladnimo iyo horumar ah aan la gaari karin haddii aan argagixisada laga adkaanin.

Shacabka Soomaalida iyo dowladdooda waxay muujiyeen in laga adkaan karo argagixisada. Dagaalka waxa uu jooga meel laga xaqiijin karo hadafka guusha.

Laakiin in waqtigaan la aado dagaal siyaasadeed ayay dad badani qabaan inay dhaawac weyn ku noqon karto dagaalka lagula jiro argagixisada, oo ay dhinaca kale keeni karto in bulshadii ku mideysneyd la-dagaalanka argagixisada inay danaha siyaasadda kala riixaan.

Ma jirto cid sharaxaad fiican ka bixin karta sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh u go’aansaday inuu dib u furo dooddo siyaasadeed oo loo arko inay majo xaabinayaan dagaalka, xilli uu isagu dhowr jeer oo hore ku doodday in aan laga shaqeyn karin wax siyaasad, doorasho iyo dowladnimo ah iyada oo aan la xaqiijin ammaanka dalka.

Maadaama ay mucaaradka bilaabeen wada-hadallo hoose iyo dooddo banaanka yaalla, dowladda waxaa u taalla sidii ay iskugu dhinac wadi laheyd la-dagaalanka argagixisada iyo maareynta hardanka siyaasadda ee ay dib u furtay iyadu.

Dadka qaar waxay ku tallinayaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh uu hal sanno kale dib iskaga dhigo dooddaha siyaasadda oo uu xoogga saaro natiijada dagaalka argagixisada.

The post Xasan oo furrin cusub isku furay iyo ‘waxa la gudboon’ si dagaalka u wiiqmin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this