Deeq A. Posted October 22, 2023 Israa’iil ayaa xalay duqeymo ba’an ka fulisay Gaza kadib markii ay ka digtay inay xoojinayso duqeymaha ka hor duullaanka dhulka. Xamaas ayaa sheegtay in duqeymaha xalay ee Marinka Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, laguna burburiyay 30 guri, sida ay warisay AFP. In ka badan 40 boqolkiiba dhammaan guryaha Gaza ayaa waxyeelo gaartay amaba la burburiyay, sida ay QM sheegtay iyadoo soo xiganaysa saraakiisha deegaanka. Dhinaca kale, Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradaheedu ay duqeeyeen dhismo ku hoos yaal masjid ku yaala Daanta Galbeed halkaasi oo ay sheegtay in xubno ka tirsan Xamaas iyo Islamic Jihaad ay ku sugnaayeen. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo xalay duqeymo ba’an ka fulisay Gaza appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites