Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Siibad “Qayb kama nihin mowqifka xisbiyada Ifiye iyo SINCAD”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga Mustaqbal ee Puntland Maxamed Ismaaciil Siibad ayaa ka horyimid baaq xisbiyada qaar ka soo saareen doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024.

Xisbiyada ayaa soo jeediyay in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkisu ay u dhacdo si baarlamaani ah, oo xildhibaanada lagu soo doorto qof iyo cod ay sii doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Waxaase baaqooda ka horyimid guddoomiyaha xisbiga Mustaqbal Maxamed Ismaaciil Siibad islamarkaana sheegay in uusan qayb ka ahayn mowqifkii iyo bayaankii ay soo saareen xisbiyada Ifiye iyo Sincad.

“Xisbiga Mustaqbal wuxuu cadeenayna in uusan qayb ka ahayn mowqifkii iyo bayaankii ay soo saareen xisbiyada Ifiye iyo Sincad” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray guddoomiye Siibad.

FB_IMG_1697921428690.jpg?resize=720%2C99

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Siibad “Qayb kama nihin mowqifka xisbiyada Ifiye iyo SINCAD” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this