Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir isku casilay weerar ka dhacay Brussels

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii cadaalada ee Belgium,  Vincent Van Quickenborne ayaa isku casilay kadib fadeexad ka dhalatay weerarkii toddobaadkan ka dhacay caasimada dalkaasi ee Brussels.

Ninkii weerarkaasi geystay oo lagu magacaabay Abdesalem Lassoued ayaa la ogaaday in dowlada Tunisia ay raadineysay in loo gacan geliyo sannadkii hore, ninkaasi heystay dhalashada Tunisia oo xagjir ah ayaa toogasho ku dilay laba qof oo Iswidhish ah, saddex kalena dhaawacay weerarkii Brussels ee Isniintii lasoo dhaafay.

Muuqaal la soo dhigay internetka ayuu ninka weerarka geystay ku sheegay in ay dhiiri galiyeen kooxda Daacish. Booliska ayaa subaxnimadii salaasada ninkan ku toogtay maqaaxi ku taalla Brussels oo aan ka fogeyn goobtii uu weerarka ka geystay.

Ninka toogashada geystay ayaa loo diiday magangelyo bishii Oktoobar 2020 waxaana la amray in loo tarxiilo dalkiisa sannadkii 2021, laakiin dowlada Belgium ayaa waydey meel uu ka baxay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this