Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay raali galinta ay Instagram siisay dadka reer Falastiin?

Recommended Posts

Deeq A.   

Meta ayaa raaligelin ka bixisay inay ku dartay liiska “argagixisada” qaar ka mid ah isticmaalayaasha Instagram-ka oo isku tilmaamay inay yihiin Falastiiniyiin.

Meta waxa ay sheegtay in ay xalisay mushkilado “kuwaas oo muddo kooban sababtay fasiraado aan habooneyn oo laga bixiyay qaar kamida wax soosaarkeeda.

“Waxaan si dhab ah uga cudur daaranaynaa in tani dhacday,” ayay u sheegeen BBC-da.

Xaruntu waxa kale oo ay wajahday eedaymo ah in ay cabudhinayso qoraallada taageerada Falastiiniyiinta intii uu socdo iskahorimaadka Israa’iil iyo Gaza.

Isticmaalayaasha qaar ayaa sheegaya in “waxyaabaha qaar laga mamnuucay” sida in Instagram-ka lagu baahiyo qoraallada Falastiiniyiinta lagu garab istaagayo. Tanina waxa ay keentay in madashan ay dib ugu laabato si loo hubiyo in qoraallada ayna ka muuqan in ay jecleysan dadka kale.

Isticmaalayaashu waxay sheeganayaan in qoraallada 24-saacadood ah ee ku saabsan sheekooyinka tixraacaya iskahorimaadku ay ka aragti yar yihiin kuwa kale ama aan sida muuqallada kale loo daawan, iyo in akoonadooda aan si fudud wax looga arki karin.

Shirkadda weyn ee tignoolajiyada ayaa qirtatay in ay jirto cillad, hase yeeshee waxa ay sheegeen in arrimahaas ayna iyagu wax shaqo ah ku lahayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this