Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan safarka Sheekh Aadan Madoobe ee dalka Mareykanka? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
395146592_795601989273076_41231640102370

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay u dhoofay dalka Mareykanka, isaga oo kusii jeeda magaalada Washington ee dalkaasi.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa laga sii sagootiyay garoonka Aadan Cadde, ayada oo ay ka qayb qaateen xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in isaga wafdigiisa ay casuumaad ka heleen Aqalka golaha wakiilada waa dalka Mareykanka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono horumarinta baarlamanka Soomaaliya iyo iskaashi toos ah oo ay yeesheen labada dhinac.

“Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Aqalka Golaha Wakiilada ee dalka Mareykanka waxayna kawada hadli doonaan arrimaha horumarinta Baarlamanka Soomaaliya, iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe.

Waxa kale oo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda Mareykanka, si uu ugula hadlo arrimo quseeya Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale inta uu joogo Mareykanka wuxuu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, isaga oo kala hadli xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo horumarada laga gaaray.

Safarkan ayaa kusoo qaaday, xilli uu fasax ku jiro baarlamaanka Soomaaliya, maadaamasoo xirmay kaldhigooda, kadibna ay aadeen safaro gudaha iyo dibadda.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka dhaqaalaha intaba.

394452080_795601999273075_40841900550479 395115429_795602002606408_88719296988382 395146592_795601989273076_41231640102370

The post Xog ku saabsan safarka Sheekh Aadan Madoobe ee dalka Mareykanka? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this