Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallin dugsi qur’aan iyo xertiisa oo aano qabiil loogu dilay Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   
Cadale.jpeg?fit=1024%2C939&ssl=1

Cadaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dad shacab ahaa lagu laayay agagaarka deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in dadkan ay waddada u galeen, isla-markaanta ay goobta ku dileen ugu yaraan 5 qof, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Cadale.

Guddoomiyaha oo la hadlay Shabelle Tv ayaa shaaca ka qaaday in dadka la laayay ay usoo socdeen deegaanka Xaaji Cali, balse jidka loo galay, kadibna la dilay.

“Xog ogaalka inta aan ogahay haddii aan ku sheego dadka dad iska socda ayay ahaayeen oo soo socday tuulada Xaaji Cali” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dadka la dilay ay ahaayeen Macallin dugsi qur’aan iyo xirtiisa, isla-markaana xilliga la dilayay ay kasoo laabteen Subac ay soo akhriyeen.

“Dadka la dilay waxa ay ahaayeen 5 qof, nin Macallin ah iyo xertiisa ayay ahaayeen, meel Subac ah ayay ka tageen ayaa la leeyahay” ayuu raaciyay guddoomiyaha degmada Cadale.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka, isla-markaana ay ku raadjoogaan raggii gaystay falkaas oo baxsaday.

“Ciidan milatari ah iyo daraawiish waa joogaan waa ku raadjoogaan, wixii ay ka qaban karaan ayay sameyn doonaan” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxayna arrintan sii hurineysaa colaad beeleedka ka taagan aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Burka Diirimeed lagu soo xiray gogol nabadeed oo ay hormuud u ahaayeen madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka, balse ma jirto wax kasoo baxay, maadaama ay mar kale dib u qaraxday colaadda u dhexeysa beelaha ee ka taagan halkaas.

The post Macallin dugsi qur’aan iyo xertiisa oo aano qabiil loogu dilay Shabeellaha Dhexe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this