Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta sarkaal Shabaab ah oo mar ay xirtay DF, hadana dagaal ka dhex furay kooxda

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab.jpg?fit=1894%2C961&ssl=1

Guriceel (Caasimada Online) –Dagaalyahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku dagaalamaya deegaano u dhow tuulada Burujeed oo hoos tagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo dhawaan ay weerar culus ku qaaday kooxdu, waxaana isisoo taraya xogaha laga helayo dhinacyada dagaalamaya.

Kooxaha dagaalamaya waxaa kala hoggaaminaya labo sarkaal oo u kala dhalatay beelaha Duduble iyo Cayr ee Habargidir, Caasimada Online waxay heshay xogta sarkaalka ka soo jeeda beesha Cayr oo isagu bilaabay dagaalka.

Cabdullahi Maxamed Xiirey oo caan ku ah magaca Cabdullahi Horeeye ayaa hoggaaminaya dhinac ka mid ah dagaalyahanada Shabaab ee ku dagaalamaya Galgaduud, ninkaan ayaa ka soo jeeda beesha Cayr, gaar ahaan jufada Habaraji oo dhawaan ay Shabaab ku weerareen deegaanka Burujeed.

Cabdullahi Horeeye waxaa horay u xirtay dowladda Soomaaliya, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, ninkaan oo lagu tuhmaayey Shabaab-nimada ayaa xiligaas laga qabtay xaafada Suuqaxoolaha ee degmada Heliwaa.

Muddo bil ah oo dowladda uu u xiraa kadib, waxaa la sheegay inay damiin ku soo daayeen odayaal ka soo jeeda beeshiisa, wuxuuna dib ugu laabtay kooxda Al-Shabaab.

Cabdullaahi Horeeye wuxuu ka mid yahay saraakiisha hoggaamisa Shabaab-ka ka dagaalmaya Galmudug, balse hadda wuxuu dagaal culus kala dhexeeyaa sarkaal kale oo ka soo jeeda beesha Duduble.

Dagaalkaan ayaa qarxay maalmo kadib markii ay kooxdu ka soo laabatay weerarkii Burujeed, kooxda ayaa fariisin ka sameysatay meel aan ka fogeyn deegaanka Burujeed, waxaana qorshaha ka socda aagaas ka soo horjeestay Cabdullahi Horeeye oo soo jeeda jufada Habaraji Cayr, kana tirsan saraakiisha Shabaab.

Ninkaas ayaa la sheegay inuu diiday in Shabaab sii deganaado aagga Burujeed, waxaana qorshihiisa ka biyo diiday nin isaga ka sareeya oo ka soo jeeda beesha Duduble, halkaas ayuu ka bilowday dagaalku.

Kooxda ayaa aad isku leysay 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa la sheegay in dagaalka ay kala hoggaaminayaan labadaan sarkaal, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa weerarkii ay Shabaab ku qaadeen beesha Cayr oo degan tuulada Burujeed.

 

The post Xogta sarkaal Shabaab ah oo mar ay xirtay DF, hadana dagaal ka dhex furay kooxda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this