Sign in to follow this  
Deeq A.

Biixi oo war cusub kasoo saaray dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Biixi-Iimaan-Cige.jpeg?fit=2048%2C1366&s

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha maaliyadda ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan uu marayo dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday kooxda, kaas oo uu tilmaamay inay door weyn ku leedahay wasaaraddiisa.

Wasiirka ayaa xusay inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah oo lagu cuuryaaminayo Al-Shabaab, laguna cunaqabeynteynayo ilaha ay ka hesho dhaqaalaha.

“Wasaaradda waxay qayb ka tahay la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan dhanka maaliyadda sidii loo xakameyn lahaa, loona cunqabeyn lahaa” ayuu yiri wasiir Biixi.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan la soconaa qaab kasta oo ay u maleegi karaan inay dadka Soomaaliyeed hantidooda iyo maaliyadooda ay culeys ku saaraan ama ay uga faa’ideystaan dadaaladaas runtii waas sidii wadi doonaa inta laga ciribtirayo argaxgixisada”.

Wasiir Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay bixiyaan casnhuurta, si ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa, kuna boggaadinayaa inay door weyn ka qaataan dib u dhiska dhaqaalaha iyo bixinta canshuurka” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Marka aad canshuur bixiso ayaa adeeg heleysaa, anaga waxaa waajib nagu ah inaan u ilaalino waxooda, adeegyada ay muhiimka u yihiina loogu qabto”.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneysa kobac dhaqaale oo weyn, kaas oo ay si weyn ugu maanay hay’adda IMF, maadaama ay guul weyn ka gaartay barnaamijka deyn cafinta.

The post Biixi oo war cusub kasoo saaray dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this