Sign in to follow this  
Deeq A.

Gargaarkii u horreeyay oo maanta la gaarsiiyay Marinka GAZA

Recommended Posts

Deeq A.   
36cc8724-8235-4606-b341-d459a72de6c0_w40

Waxaa marinka Rafax ee isku xira Masar iyo Gaza Sabtida maanta ah ka gudbay kolonyadii ugu horeysay ee sidda gargaar bini’aadantinimo ah oo loo diray marinka go’doonsan ee Gaza tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay halkaasi.

Kolonyadii u horreysay ee gaadiidka sida gargaarka ayaa gudaha u galay dhanka koonfureen ee Gaza ,sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters sarkaal ka tirsan mas’uuliyiinta xadka Falastiin.

Arrintan ayaa suurtogashay ka dib maalmo ay dhinacyadu isku maandhaafsanaayeen shuruudo diblumaasiyadeed oo ku aadan sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa.

Dhinaca kale, Xamaas ayaa Jimcihii sii deysay laba qof oo ah Muwaadiniin Mareykanka oo ay kooxdu ku haysay Gaza tan iyo markii ay laba asbuuc ka hor weerartay gudaha Israa’iil. Labadan qof ee la sii daayay ayaa kala ah hooyo iyo gabadheeda.

PUNTLAND POST

The post Gargaarkii u horreeyay oo maanta la gaarsiiyay Marinka GAZA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this