Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF oo sheegtay in 2,000 laga dilay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Daauud-Aweys.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa si guud uga warbixiyay howlgallada sanadka qaatay ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan khasaare xoogleh iyo jab lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana looga qabsaday dhul aad u ballaaran.

Daa’uud Aweys ayaa xaqiijiyay in howlgaladan qaatay mudada sanadka ah lagu dilay 1,700 oo 57 kamid ah ay yihiin horjoogayaal uu ku jiray dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir.

“Waxaa laga yabaa xittaa in tirada dhimashada ee aan ku sheegnay 1,700 ay ka badan karto intaasi oo ay soo uruuriyeen laamaha ammaanka,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cagta la mariyey illaa 73 saldhig oo ay kooxdu laheyd, halkaas oo lagu burburiyay hub iyo saanad ciidan, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta ayaa faahinfaahin ka bixiyay dhulka ay la wareegtay dowladda, isaga oo sheegay in Al-Shabaab laga saraay qiyaastii illaa kun kiilo mitir.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale sheegay in 120 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin waa weyn laga wareegay Al-Shabaab, kuwaas oo ku kala yaalla:

Gobolka Hiiraan 25 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Shabeelaha Dhexe 21 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Galgaduud 20 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Mudug 25 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Shabeelaha Hoose 10 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin iyo Jubbaland20 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin waa weyn.

“Dhul ka badan illaa kun kiilo mitir ayaa sanad gudihiisa looga ciribtiray Khawaarijta, waxaana intaas dheer in 120 isugu jira deegaano iyo degmooyin laga saaray Al-Shabaab, welina waxaa socda baacisiga kooxda” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Daa’uud Aweys.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in guullo waa weyn laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha iyo  baraha bulshada, ayna ku guulaysteen inay xayiraan akoono badan.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

The post Daawo: DF oo sheegtay in 2,000 laga dilay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this