Sign in to follow this  
Deeq A.

Daadad Khasaaro Wata oo Ku Dhuftay Magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Roobab xoogan oo ka da’ay gudaha iyo daafaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas farabadan oo daganaa Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-Taako, kadib markii Webiga Shabeelle uu ku fatahay. Waxaana sidoo kale jira cabsi laga qabo Xaafada Howlwadaag.

Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-Taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Dhagax-Jibis ayaa saqdii dhaxe ee xalay mar qura kusoo toosay guryahooda a oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan, kuwaas oo ka yimid Webiga oo biyo baaxad leh soo rogay, xilligaan oo la guda galay waqtiga xilli roobaadka Dayrta.

Biyaha webiga ayaa dhex ceegaaga guryo badan oo ku yaala Magaalada Baledweyne, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan qoysas badan oo ku go’doodsan gudaha magaalada. Waxaa sidoo kale cabsi laga qabaa in roobabka iyo daadadka ay sii kordhi karaan, maadama roobabku ay bilow yihiin bishaan Oktoobar.

Dadka deegaanka ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan meelaha u nugul fatahaada, taas oo qeyb ka aheyd digniinihii kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, ayna ku sheegtay in Soomaaliya ay ka di’i karto roobab dabeylo iyo daadad wata oo ay sababtay duufaanta El Niño.

Maamulka Hirshabelle ayaan xal waara u helin fatahaada uu sameeyo Webiga Shabelle, waxaana marar badan magaalada Beledweyne saameyn badan ku yeeshay fatahaada Webigu Shabeelle oo keentay in dad badan magaalada ka barakacaan, sanadkiina ilaa laba jeer laga guuro qeybaha qaar ee magaalada.

Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in daad xooggan ay ku soo rogmadeen xaafadaha qaar kadib roobab saacado badan ka da’ayay magaalada, waxaana kala xirmay xaafadaha qaar. Hay’adaha Caalamiga ah iyo qaarka mid Dawladaha Geeska ayaa ka digaya isbeddel cimileed ay khatartiisu baahi karto, oo ay ka mid tahay duufaanta El Niño.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this