Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex askari

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20231021-WA0006.jpg?resize=720%2C480

Koofur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex askari oo loo heysto dil ay hore uga geysteen degaanada maamulkaasi.

Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan Militaryga iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo Booliiska KGS ka tirsan ayaa saaka lagu toogtay duleedka Baydhabo.

Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) iyo Cabduwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan Militaryga ayaa beerta qurun Jiis oo deegaan Dug Baydhabo ku taal ku dhex dilay marxuum Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan June 18 2018-kii.

Halka Cabdullaahi uu Dilay Isgoowe Maxamed Aadan Juun sedaxdeedii sanadkan, marxuumka ayaa ahaa farmashiiste isku diyaarinayay guri gal laakiin u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday.

PUNTLAND POST

The post Koonfur Galbeed oo xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex askari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this