Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ka hortagay gantaalo laga soo ganay Yemen oo ku waajahnaa Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka oo ku sugan badda cas ayaa soo riday gantaalo iyo diyaarado Drones ah oo ay soo direen Xuutiyiinta Yemen, waxaana laga yaabaa in ay ku waajahnaayeen Israa’iil, sida ay sheegtay Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka.

Saddex “gantaallada iyo dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn” ayaa waxaa burburiya Markabka dagaalka ee Mareykanka, sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka Pentagon-ka, Jeneraal Pat Ryder.

Weerarka waxaa soo qaaday xoogagga Xuuthiyiinta ee Yemen oo laga yaabo inay la beegsanayeen Israa’iil, ayuu sii raaciyay.

Markabkan oo lagu magacaabo USS Carney ayaa roondo ka waday Badda Cas, taasoo qeyb ka ah joogitaanka ciidamada Mareykanka ee si weyn loo xoojiyay oo uu amray madaxweyne Joe Biden si loo ilaaliyo xasiloonida ka dib dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo kooxda Xamaas ee ka dagaalanta marinka Qaza.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this