Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dagaal culus oo Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka Ceelbuur

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabab-Shabaab.jpeg?fit=960%2C585&ssl=1

Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Jimcihii shalay uu dagala u dhexeeyay xubno ka wada tirsan Al-Shabaab uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Barujeed iyo degmada Ceelbuur.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa qaatay saacado badan, waxayna labada garab ee ka wada tirsan kooxda isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen jugta hub culus oo ay labadad hinac isku adeegsanayeen, kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Warbixinta dowladda oo ka hadashay dagaalkan ayaa shaaca ka qaaday inuu u dhexeeyay horjoogayaal ka wada tirsan kooxda, kuwaas oo soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo ka dhashay dagaalkii maalmo ka hor ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Barujeed.

Sida ay dowladdu sheegtay horjoogihii xukumayay maleeshiyaadka weerarka qaaday oo kasoo jeedo magaalada Guriceel uu ka dhago adeegay amaro culus oo lasiiyey, kadibna lasoo xiray, taas oo keentay in dagaal uu ka dhex qarxo labada garab,

Ugu yaraan saddex sarkaal iyo dagaalyahanno kale ayaa la xaqiijiyay in dagaalkan ay ku dhinteen, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli is horfadhiya, waxayna dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka lasoo wariyey inuu dhexdooda qarxay, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Ceelbuur.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee ay wada dagaalamaan xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo horay sidaan oo kale ay ugu dagaalameen qeybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka.

The post Xogta dagaal culus oo Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this