Sign in to follow this  
Deeq A.

Thabit Cabdi oo XASAN u diray farriin culus kadib digniinti mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   
taabit.jpg?fit=1180%2C1019&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uusan uga sii darin xaaladda dalka.

Thaabit ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugu horreyntii ku baaqay in shacabka iyo siyaasiyiinta ay madaxweyne Xasan ku garab siiyaan masuuliyadaha dastuuriya ah ee ugu horreeyaan la-dagaalanka argagixisada iyo doorasho qof iyo cod ah ee nidaamka xisbiyada badan.

“Madaxweynaha JFS garab ha lagu siiyo mas’uuliyaddaha dastuuriga ee loo doortay, loona dhaariyay oo ay ugu horeeyaan la dagaallanka argagixisada khawaarijta iyo doorasho qof iyo cod ah ee nidaamka xisbiyada badan iyada oo loo marayo dariiq sharci ah, heshiis lagu yahay sida uu qabo dastuurka dalkeena oo Soomaali ku heshiisay,” ayuu yiri Thaabit Cabdi

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ugu baaqay in uusan uga sii darin xaaladda dalka ee uu wax ku hoggaamiyo tallada umadda tuullo iyo magaalaba, maadaama uu ka arriminayo masiirkooda.

“Mudane Madaxweyne haddii aad mar labbaad fursad u heshay gurigii ummadda, waxaa lama huraan ah inaadan uga darin oo aad wax ku hoggaamisaa talada ummadda tuulo iyo magaalaba ileen waa masiirkoodee.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ka dhawaajiyay in siyaasiyiinta diyaar u yihiin in ay madaxweynaha wax la saxaan, sidaas darteedna ay tahay in uusan dhageysan kuwa ku hareersan ee tallada khaldan siinaya, sida uu ku yiri qoraalka.

“Dadka badankii wili waxay doonayaan inay wax kula saxaan ee kuwa talada khaldan yaysan ku gaarsiin meel in wax la saxo ay waajib noqon doonto.”

Hadalka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa imanaya xilli madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ay madaxweyne Xasan Sheekh uga digeen in khatar uu gelin nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed, uuna ka foojignaado waxkasta oo shaki gelin kara awood qeybsiga, dalkana u horseedi kara dib u dhac.

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka horyimid meel-marinta heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la dhacsan yahay, uuna gadaal ka riixayo dhaqan-galkiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa markaas ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, wuxuuna yiri “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira.”

The post Thabit Cabdi oo XASAN u diray farriin culus kadib digniinti mucaaradka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this