Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii CAYR ee Dhuusamareeb oo laga soo saaray bayaan muhiim u ah dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2023-10-20-at-10.26.53-AM

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirweynaha beesha Ceyr oo maalmihii u dambeeyay ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo dagaalka dowladda ee Al-Shabaab ka dhanka ah.

Shirkaan oo ay iskugu yimaadeen Ugaaska, Nabadoonnada, Aqoon-yahanka, Saraakiisha, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kale ee beesha, ayaa waxaa si qoto dheer loogu lafa-guray dagaalka socda, iyo sidii dowladda dhexe iyo maamulka loogu garab istaagi lahaa dagaalka Al-Shabaab.

Bayaanka kasoo baxay shirweynaha Ceyre ayaa lagu shaaciyay in beesha ay si buuxda oo mug leh u kordhinayo la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, ayna diyaar u tahay u hurista naf iyo maal.

“Beesha waxay caddeynaysaa in ay u midowday la-dagaalanka kooxda Khawaarijta ee ku sugan Soomaaliya. Sidoo kale waxay beesha dagaal ugu jirta furimo badan sida: Xarardheere, Burjeed, Waradhuumale iyo deegaano kale.”

Waxa kale oo lagu yiri bayaanka “Beeshu waxay naf iyo maal u hurtay una hureysa la-dagaalanka kooxda nabad-diidka ah.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in beesha isku raacday in ay isku raacday in beelaha deriska la ah ay si nabad ah ku wada noolaadan, iskana kaashadan dagaalka Al-Shabaab.

“Beesha waxay ka digaysaa in aan la siyaasadeyn la-dagaalanka kooxda Khawaarijta. Beeshu waxay ugu baaqeysa beelaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u midoobaan cirib-tirka kooxda Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaanka laga soo saaray shirweynaha beesha Ceyr.

Ugu dambeyntiina waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahad-celisay sida uu u doortay xarunta gobolka Mudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo billo dhowr ah uu ku sugnaa, iyo sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug.

The post Shirkii CAYR ee Dhuusamareeb oo laga soo saaray bayaan muhiim u ah dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this