Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shabaab-kii ugu badnaa oo maanta isku dhiibay ciidamada DF

Recommended Posts

Deeq A.   
54825c4c-72ca-488d-b92f-0f278b06569f.jpe

Baydhaba (Caasimada Online) – Taliska Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba kusoo bandhigay 14 xubnood oo ka mid ahaa khawaarijta Al-Shabaab.

Kooxdaan ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka, isla markaana uu ku socdo baaritaan ku saabsan waxa ay damacsan yihiin iyo in go’aanka soo goosashada uu dhab ka yahay.

Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdaan ay ka tirsaneed qeybta ay Shabaab ugu yeeraan jabhadaha, kuwaas oo ah guutooyinka fuliya weerarada toos ka ah ee lagu qaado xeryaha ciidamada dowladda iuo kuwa ATMIS.

Raggaan oo maanta lagu soo bandhigay Baydhaba ayaa la weysiiyey sababta ku kaliftay inay halmar ka soo wada goostaan Al-Shabaab, waxayna sababta ku sheegeen inay soo wajahday cabsidii ugu badneed, nolol adag iyo cadaadis aad u badan oo kaga imaanayey hoggaamiyeyaasha kooxda.

Dhinaca kale, Ismaaciil Aadan Maxamed oo dhanka uruurinta canshuurta u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta iska dhiibtay magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Ninkaan ayaa la sheegay in kooxda uu masuul kaga ahaa canahuuraha deegaanka Bacaadweyne oo dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, isagoo horay u sii raacay kooxda markii laga saaray deegaanka.

Maanta ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo baacsanayey kooxda Al-Shabaab waxay Ismaaciil ku qabteen deegaan lagu magacaabo Qoriley oo u dhow mahaalada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka xooga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka oo iska kaashaday howlgalka lagu soo qabtay ninkaan ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay ciidamada, isla markaana uu u sheegay in markii la qabtay uu ku jiray socodkii uu isku soo dhiibi lahaa.

54825c4c-72ca-488d-b92f-0f278b06569f.jpe 8e67187a-0ecc-4e03-8e40-bd0aee15fc7b.jpe c93a2d2f-1728-47a4-9635-e4a710b51ce8.jpe 4a7abe64-245c-432e-baed-4a2b9e4f9dbb.jpe 47356a9c-3d43-4493-8577-d325397be28b.jpe 4aee7a37-8dce-4e6d-a548-cd756fabd5ee.jpe 5f331a8a-1600-49fa-b6db-9aec0c2f02c2.jpe fdd0e963-a6e7-492c-b48c-59f04c3e912d.jpe 6711def6-b815-4e2c-8e94-357a9b488e12.jpe 193550d3-e4bd-432b-8e76-abfcbbd968f9.jpe c4594586-0192-484d-a6a2-1e884859c29a.jpe 1f7f24c7-4561-4b0f-9d87-e341893b98c8.jpe 8c3ace26-d2b6-4081-a5a2-82f3c8db28f1.jpe 566a4c6d-60cc-4ad2-b77e-25aab184df01.jpe 2749b116-5dbe-4328-a3c9-466716d8c613.jpe c2e0097c-9dc1-4d17-afef-72ef753fab57.jpe dd8d945a-0f81-4a8d-8d5c-43198a0b8646.jpe b0c88b40-acb5-46a8-8324-601403d6e93c.jpe ddec1c47-212f-48dd-9caa-fb9cf010eefa.jpe

The post Sawirro: Shabaab-kii ugu badnaa oo maanta isku dhiibay ciidamada DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this