Sign in to follow this  
Deeq A.

Saadaq Joon oo u jawaabay Farmaajo “Dadkaaga dhinac ka raac haddii kale…”

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-Saadaq.jpg?fit=1920%2C1080&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa si adag uga jawaabay qoraalkii uu maanta soo saaray madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku muujinayay sida uu u diidan yahay dhaqan-gelinta heshiiskii golaha wadatashiga qaran, oo uu meel-marintiisa ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in wax ka bedelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan, oo aan loo marin wadada saxda ah ay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Xildhibaan Saadaq Joon oo daba socda qoraalka Farmaajo, ayaa waxa uu sheegay in dalka ka dhaceyn hubanti la’aan ka dambeysa asaga, oo mar isku dayay muddo kororsi qalaalase horleh galiyay dalka.

“Farmaajoow xasillooni darro iyo hubanti la’aan adiga kaa danbayso dalkaan kama dhacayso Insha Allah,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Joon.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku dhihi lahaa (Farmaajo) dadkaaga dhinac ka raac hadii kale damacaagii cadaymihiisa waan hayaa kumana nabad-galaysid la soco.”

Farmaajo ayaa ku biiray madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horyimid meel-marinta heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la dhacsan yahay, uuna gadaal ka riixayo dhaqan-galkiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa markaas ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, isaga oo yiri “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira.”

The post Saadaq Joon oo u jawaabay Farmaajo “Dadkaaga dhinac ka raac haddii kale…” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this