Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray arrinta uu Xasan ku dhagan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu ku muujinayo sida u diidan yahay dhaqan-gelinta heshiiskii golaha wadatashiga qaran, oo uu meel-marintiisa ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Farmaajo ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in uu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyada ku aadan arrintaan, islamarkaana wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah ay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

“Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan.”

Waxa uu sheegay in laga guuro hannaanka vaarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska ra’iisul wasaaraha ay tahay masuuliyad ka baxsan awoodaha hay’adaha dowladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

Sidoo kale waxa uu garowshiyo ka bixiyay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka dowlad-goboleedka Puntland oo muddooyinkii dambe ka maqneyd Madasha Wadatashiga Qaran, oo lagu go’aamiyay arrimo masiiri ah.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan.

Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.

Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka.

Wa billaahi Al-towfiiq

The post Farmaajo oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray arrinta uu Xasan ku dhagan yahay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this