Sign in to follow this  
General Duke

Goldogob + Bur Salah: Candidate Nuradiin A Diriye tours Mudug

Recommended Posts

NG3.gif

 

MUSHARAX NURADIIN AADAN DIIRIYE OO SI WEYN LOOG SOO DHAWEEYEY DEGMADA GALDOGOB EE GOBOLKA MUDUG

Isniin 24. 11. 2008

 

Halkaan ka daawo sawiradii Goldogob

 

Nofeembar 23, 2008

 

Musharaxa iyo waftigiisa oo ka koobnaa waxgarad, nabadoono, iyo aqoon yahano ayaa maanta gallinkii hore waxay booqasho ku tageen degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Musharaxa iyo wafdigiisa ayaa halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey, waxaana meel ka baxsan magaalada uga horyimid maamulka degamda, nabadoono, culumaa’udiin, waxgarad iyo dadweyne aad u faro badan. Soo dhaweenta kadib waxaa uu musharaxu soo dhexmaray magaalada Goldogob iyadoo dhinacyada wadooyinka magaalada ay buuxiyeen dad lulayey caleemo qoyan kuwaas oo doonayey inay arkaan musharaxa.

 

 

Intaas kadib ayuu musharaxu wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay waxgaradka iyo odoyaasha degmadaas, wuxuuna u bandhigay barnaamijkiisa badbaadinta Puntland.

 

 

“Ujeedayduna waxay tahay in aan maanta Puntland badbaadiyo. Waad ogtihiin waxa ay Soomaaliya ku sugan tahay waad ogtihiin in maanta Puntland ay ka jirto Cadaalad darro dhanka arimaha bulashadda sida Waxbarashada, caafimaadka, nolosha, ammaanka. Waad la socotaan caruurteena in aysan waxbarasho joogta haysan,… in ay maanta u baahan yihiin waxbarasho…. Waad la socotaan hooyooyinka caafimaad darada haysata..…Anigu maanta waxaan doonayaa in aan Puntland badbaadiyo waxaana idinka doonayaa in aad ila badbaadisaan” ayuu yiri Musharax Nuradiin Aadan Diiriye.

 

 

Waxaa ayaguna goobtaas hadal ka soo jeediyey waxgaradka iyo isimada reer Galdogob oo halkaasi ka cadeeyey sida weyn ee ay u taageersan yihiin Musharaxa mudane Nuuradiin. Dadkii halkaasi ka hadlay waxaa kamid ahaa:

 

 

Mudane Nuuradiin intii uu ku sugnaa Galdogob wuxuu soo booqday qaar ka ka mid ah goobaha wax barashada waxaana halkaasi aad ugu soo dhaweeyey Ardayda iyo macalimiinta iyo maamulka dugsiyadaas. Mudane Nuuradiin Aadan Diiriye oo baryahaanba booqoasho ku kala bixinayey deganada Puntland ayaa maanta booqashadii uu ku tagay Degmada Galdogob oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn ee Gobolka Mudug ayaa waxay ku dhamaatay guul iyo is afgarad, waxayna reer Galdogob u ballan qaadeen Musharaxa inay hiil iyo hooba la garab istaagayaan Musharaxa ololaha uu ugu jiro inuu ku hanto hogaanka Puntland, si markaasi loo badbaadiyo dalka hooyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bursaalax, Puntland: Waxaan ballan qaadayaa in ilmo kasta oo ku nool Puntland uu lacag la'aan ku helo waxbarashada asaasiga ah

Isniin 24. 11. 2008

 

Nofeembar 23, 2008

Musharaxa madaxtinimada Puntland mudane Nuradiin Aadan Diiriye ayaa booqasho aan la sii shaacin wuxuu ku tagay degaanka Bursaalax iyo Riig Oomane oo ka dirsan Gobolka Mudug shalay oo taariikhdu ahayd 23/11/08. Markii uu musharaxu soo gaaray Bursaalax ayaa waxaa halkaas ku diyaar ahaa dadweyne farabadan oo ayagu subaxnimadii hore isu soo baxay isuna diyaariyey soo dhawaynta musharaxa iyo wafdigiisa. Soo dhawaynta oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hor kacayey maamulka degaankaas, waxaana halkaasi hadal soo dhawayn ah ka jeediyey Gudoomiyaha Beesha Nuur Cabdi Cali.

 

 

Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay Nabadoon Cabdil Cabdille Boos iyo Nabadoon Cabdi Xasan Qalaad oo musharaxa uga mahadceliyey booqashadiisa. Musharaxa ayaa asguna dhankiisa ugu mahadnaqay reer Bursaalax sida sharafta leh ee ay asaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen

 

 

Musharaxu wuxuu ugu horeyn booqday Dowlada Hoose ee Bursaalax waxaana uu halkaas hadal kooban uu uga jeediyey maamulka mgaalada iyo dadweynaha. , wuxuuna warbixin ka bixiyey barnaamijkiisa ku aadan badbaadinta Puntland, wuxuuna ka codsaday inay ku taageeraan ololihiisa isla markaasna loo guntado sidii maanta Puntland looga badbaadin lahaa dhibaatooyinka balaaran ee ka jira.

 

 

 

Intii uu ku sugnaa musharaxu Bursaalax waxaa u suurtagashay in uu booqdo Dugsiga Hoose Dhexe ee Cirro, Bursaalax halkaas ay wax ku bartaan laguna quudiyo in ka badan 800 oo ilmood. Wuxuu kaloo soo indha-indheeyey meesha uu marayo dhismaha dugsiga sare ee Cirro, Bursaalax. Dugsiga sare ee Cirro, Bursaalax ayaa waxaa maalgalinayey Jaaliyadda Qurbaha ee Bursaalax. Musharaxa ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay furaha nolosha isla markaasna marka uu ku guulaysto hogaanka Puntland uu siin doono waxbarashada asaasiga ah oo lacag la'aan ah ilmo kasta oo ku nool Puntland.

 

 

 

Musharaxu wuxuu ku booriyey masuuliyiinta gacanta ku hayey howsha dhismaha in la dar dar geliyo howsha wuxuunau sheegay in mashruucaani wax wayn ku soo kordhin doono mustaqbalka dadka reer Bursaalax iyo ubadkoodaba. Guud ahaan Mudane Nuuradiin oo maalmahan booqasho ku marayey Gobolka Mudug ayaa wuxuu kala kulmay dadweynaha reer Mudug soo dhawayn aad u wayn meel kasta uu tago, waxaana si weyn loo dareemayaa inuu ku guulaystay taageerada dadweynaha iyo waliba tan wakiilada Mudug uga soo gala baarlamaanka Puntland.

 

 

Siciid Cali Nugaal

Madaxa Xiriirka Bulshada

Ololaha Doorashada Nuradiin Aaden Diiriye

Kala Xiriir Nuradin Dirie online

www.nuradindirie.com

 

 

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

 

Allidamaale@hotmail.com

 

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

This dude is my pick, Nuradin all the way... if not, my second is Muxyidiin.

 

Nice pictures, Bur Salah looks big and developed Masha'alah, I have always thought it was small tuulo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this