Sign in to follow this  
Deeq A.

SOOMAALIYA: Dadkii ugu badnaa oo lix bil gudahood laga helay cudurka HIV/AIDS

Recommended Posts

Deeq A.   
hiv-blood-sample.jpg?fit=700%2C466&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay kusii kordhayaan tirada dadka laga helayo xanuunka HIV/AIDS.

Waxaa lixdii bilood ee la soo dhaafay cudurka laga helay bukaano tiradoodu gaareyso 11 kun oo qof, taasi oo muujineysa sida xawliga ah ee xanuunkan ugu faafayo gudaha dalka.

Guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada wacyi-gelinta tababarro ku aaddan halista xannuunkan, oo ay u sameynayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaalle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada ee la xiriira xanuunkan.

“Tirada dadka cusub ee lixdii billood u dambeysay laga helay xanuunkan waa 11,000 ayay gaarayaan. Waxaa kale oo jira dadka ismuujiyay dallad ayaa u sameynay oo muddo ayay shaqeynaysay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka aan weli ismuujin ee xanuunka la nool ay ka badan yihiin inta ismuujisay ee ku mideysan dallada uu guddiga sameeyay oo si joogto ah loola socdo xaaladooda.

“Dadka ismuujiyay ee dallada ku mideysan waa kun iyo toddoba boqol iyo xoogga, waxaa ka badan inta aan ismuujin ee ka shiixaya ee bulshada dhexdeeda ku jira.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa daawooyinka si joogta ah u qaata 4,419 qof.” Middaan ayaa muujineysa halista xanuunkan ee Soomaaliya.

Guddoomiye Axmed ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya in ay siiyaan tageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed, “Sababta oo ah dadka xanuunka la nool waa dadka ugu liita bulshada waana takooran yihiin.”

The post SOOMAALIYA: Dadkii ugu badnaa oo lix bil gudahood laga helay cudurka HIV/AIDS appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this