Deeq A. Posted October 20, 2023 Ciidamada Ammaanka oo lagu Tabobaray Xuquuqda Socotada Hargeysa(Qaran news)-Ciidamada booliska, socdaalka iyo asluubta ayaa loo qabtay tababar ku saabsan ilaalinta xuquuqda socotada. Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka ayaa tababar u qabtay laamaha ciidamada kala duwan ee ciidamada booliska, asluubta iyo socdalka ee ku sugan magaalooyinka Borama iyo Wajaale. Tababarkan oo uu furay Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, ayaa ahaa mid lagu barayay ciidamada kala duwan qaabka ay ula dhaqmayaan dadka socotada ah ee sugan dalka ama sii dhax maraya. Sido kale waxa tababarkan xooga lagu saaraya sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda ay leeyihiin dadka socotada ah, noocyada ay yihiin iyo sidii ugu haboon ee laamaha kala duwan ee dowladdu uga qayb qaadan lahayeen doorka ay ku leeyihiin ilaalinta xuquuqda dadka socotada ah. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites