Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Cabinet Hold Press Conference Regarding Somaliland

Recommended Posts

Cowke   

DSC02496.jpg

 

Golaha Wasiirada Puntland oo Soo Saaray Warsaxaafadeed Ka Dhan ah Somaliland

 

May 16, 2010 | NEWS

 

 

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa maanta shir ay isugu yimaadeen, ku canbaareeyey maamulka Somaliland, arimaha ay ka wadaan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn

 

Golaha wasiirada oo uu shirkooda guddoominaayey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, waxaana ugu horeyn ay ka wada hadleen xaaladdii u danbeysey ee dalka, waxyaabaha ay aadka uga hadleen waxaa kamid ahayad Xaaladaha ka soo kordhey Gobolada Sanaag, Sool iyo Cayn, Doorashada Somaliland, Mudaaharaadyada dhacaya iyo shilkii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Yubbe.

 

Golaha wasiirada ayaa canbaareyn dusha uga tuurey maamulka Somaliland: “Waxay Xukuumadda Puntland cambaaraynaysaa faragelintaas sharcidarrada ah oo dhalisay mudaharaadyo guud oo ka dhacay degaannadaas la soo farageliyay dadweynuhuna kaga soo horjeedo keenista qalabka doorashada ee maamulka Somaliland”.

 

Golaha Wasiirada ayaa baaq u direy maamulka Somaliland: “….Xukuumadda Puntland waxay maamulka Somaliland ugu baaqaysaa inay keenista qalabkooda doorashada ku ekeeyaan degaammadooda si aysan khalkhal dambe u gelin amniga, xasillooda iyo deggananshaha Gobolladii keliya ee Soomaaliya ka nabdoonaa….”

 

Wasiirada Puntland ayaa baaq toos ah u direy Maamulka Somaliland “……..Haddaba, Xukuumadda Puntland waxay maamulka Somaliland ugu baaqaysaa inay keenista qalabkooda doorashada ku ekeeyaan degaammadooda si aysan khalkhal dambe u gelin amniga, xasillooda iyo deggananshaha Gobolladii keliya ee Soomaaliya ka nabdoonaa…..”

 

Warsaxaafadeedka ayaa ugu danbeyntii baaq loo jeediyey beesha caalamka kaas oo ku aadan arinta Doorashada Somaliland iyo sanaadiikhda ay u soo waddo Gobolo ka tirsan Puntland “…… Dawladda Puntland waxay Beesha Caalamka, iyo Dawladaha deriska ah ee Urur-Goboleedka IGAD ugu baaqaysaa inay soo dhex galaan si uu maamulkaasi u joojiyo faragelinta sharcidarrada ah ay ka waddo degaannadaas Puntland isla markaasna ay ciidammadooda kala noqdaan goobaha ay haatan joogaan…….”

 

Dawladda Puntland ayaa looga fadhiyaa in ay difaacdo isla markaana ilaaliso xuduudaha maamulkeedu gaarsiisan yahay, waxaana la is weydiinayaa sida doorkaas ay uga soo baxyso Dawladda Puntland, dhanka kale waxaa maanta ka dhacay Tuulada baraagaha Qol ee Degmada Dhahar ku dhaw in waxgaradku isku waafaqay in laga hortago haddii maamulka Somaliland isku dayo in uu halkaas keeno sanaadiikhda coadadka.

 

Qaar badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Sool iyo Cayn ayaan wax kalsooni ah ku qabin maamulka Puntland waxayna bilaabeen in ay ciidamo beeled isugu keenaan meelo ka mid ah gobolka Sool waxayna samaysteen maamul u gaar ah ciidankaas.

 

Doorashooyinka Somaliland ayaa dhici doono bisha Juun 26-deeda, waxaana ay wacad ku mareen in ay ka hirgelin doonaan doorashada Gobolada Sanaag Sool iyo Cayn ee ka tirsan maamulka Puntland, lama oga in doorka Dawladda Puntland uu ku ekaan doono Canbaarayn dusha looga tuuro Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladda Puntland waxay Beesha Caalamka, iyo Dawladaha deriska ah ee Urur-Goboleedka IGAD ugu baaqaysaa inay soo dhex galaan si uu maamulkaasi u joojiyo faragelinta sharcidarrada ah ay ka waddo degaannadaas Puntland isla markaasna ay ciidammadooda kala noqdaan goobaha ay haatan joogaan…….”

So basically that is the whole thing ,,,,, aduunyadaay Somaliland naga qabta ,, :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this