Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay go’aankii DF ee SSC-Khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
393568587_872959077613748_17025322946680

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo uu hareer taagan yahay hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa sheegay in dowladda ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo, kaasi oo dhigayay in aysan ka tirsaneyn maamullada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda federaalka.

“XFS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii Isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laascaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, islamarkaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas  dhisteen,” ayuu shirka jaraa’id ku yiri Wasiir Fiqi.

Mowqifka dowladda federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Sakariye Sheekh Xuseen: “Reer SSC maanta waxay u tahay maalin weyn, fursadaan ha ka faa’iideystaan Wasiir Axmed Macallim Fiqi waa garab istaagay dadkaas.”

“Dowladda Soomaaliya Al-Shabaab iska nadiifiya dhaha, SSC waa Somaliland ee dariska fowdada,” ayuu tiri Fa’isa Cabdulqaadir Aadan.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed: “Hambylo Khaatumo State of Somalia hamblyo. Intaa baa cajiiba. Mamulka Khaatumo iyo mamulka Somaliland nabad ha ku wada noolaada maxabiistan ha sii daayaan.”

Cabdulqaadir X. Cali: “Somaliland iyo Puntland ha laga qariyo, xasaasiyad ayuu ku noqon doonaa.”

“Reer SSC wad soo dadaashen riyadii cali qalif galayr wad rumaysen gulaysta ayan idin lee yahay,” ayuu yiri Liibaan Cabdi Suudi.

“Waa guul usoo hoyatay SSC Khatumo, waxaan leeyahay hanbalyò hanbalyo,” ayuu yiri Saciid Ducaale.

Cabdullaahi Maxamed: “Somaliland haddey godkeeda biyo ugu soo galeen. Siduu dareemaya hadda Muuse Biixi?.”

The post Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay go’aankii DF ee SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this