Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Dhallinyarada Xisbiga WADDANI oo la Kulmay Dhallinyaro Taageersan Xisbiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Dhallinyarada WADDANI oo la Kulmay Dhallinyaro Taageersan Xisbiga

IMG-20231019-WA0015.jpg

IMG-20231019-WA0015-1.jpg

IMG-20231019-WA0014.jpg
Hargeysa, (Qaran news)-Xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha xisbiga WADDANI Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase, Guddoomiye kuxigeenka Garabka dhallinyarada gobolka Maroodijeex Taqayadiin Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha xisbiga ee degmada Gacan Libaax Mudane Sharmaake Garaad ayaad Xarunta Dhexe ee xisbiga ku qaabilay qaybo ka mid ah dhallinyarada caasimadda oo diyaar u ah la shaqaynta xisbiga.

Kulanka oo ay masuuliyiinta degmada Gacan Libaax soo qaban qaabiyeen waxaa ka soo qayb galay afar kooxood oo ka mid ah kooxaha kubadda cagta iyo koox hiddaha iyo dhaqanka ah.

Masuuliyiinta xisbiga ayaa dhallinyarada ku boorriyay in ay barbar istaagaan isbedelka hoggaamineed ee dalku u baahan yahay ee xisbiga WADDANI wado, waxaanay dhankooda dhallinyaradu ballan qaadeen in ay si buuxda ula shaqaynayaan xisbiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this