Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ku xigeenkii Caddaalada Puntland oo maanta is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1697717284035.jpg?resize=720%2C48

Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Caddaaladda Puntland Mudane Dr Maxamed Cali Faarax ayaa maanta iska casilay xilkaas.

Dr Maxamed Cali Faarax oo qoraalkiisa ku baahiyey barta Facebook ayaa sheegay in sidoo kale uu iska casiley xubinimadii ururka siyaasadeedka Kaah.

“Waxaan go’aansaday inaan iska casilo jagada Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo sidoo kale xubinnimadii iyo masuuliyaddii Xisbiga Kaah aan u hayay” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka mid ahaa saaxiibada ku dhaw Madaxweyne Deni shantii sanno ee la soo dhaafey sidoo kale waxa uu xubin muhim ah ka ahaa Xisbiga Kaah.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ku xigeenkii Caddaalada Puntland oo maanta is casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this