Pure blood Posted May 3, 2006 Isbahaysiga dooxada Jubba Marines promise to protect the Southern Somali ports from pirates. ------------------------------------------------- Amar Ay Isbahaysiga Dooxada Jubba Ku Mamnuucayaan Dekedaha Macmalka Ah Ee Jubbooyinka In Doomuhu Ku Xirtaan Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa waxa ay ciidammada badda ee mariniska oo ku hubeysan doonyo iyo hub kala duwan u direen xeebaha gobollada Jubbooyinka, iyaga oo shalay galabna ciidammadaas badda oo uu hoggaaminayo col. Ismaaciil Khaliif Shire ay gaareen dekedda magaalada Baraawe isla markaasna halkaas ay maanta qado ku leeyihiin iyagoo halkaas kula kumi doona saraakiisha degmada Baraawe si ay uga wada arrinsadaan ammaanka badda ee labada gobol. Arrintaas ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii ay doon u soo socotay dekedda magaalada Kismaayo koox burcad badeed ahi ka afduubteen inta u dhexeysa magaalooyinka Marka iyo Baraawe, isla markaasna ay la aadeen degaanka Xarardheere. Si kastaba ha ahaatee IDJ ayaa arrintan waxa ay ka sameeyeen diyaargarow si aysan mar dambe u dhicin arrintaas oo kale waxana ay xiriir la sameeyeen ciidammada ilaalada badaha ee gobollada deriska ah si ay degaankooda u soo dhaafiyaan doomaha ku soo jeeda Kismaayo iyagoo ciidan ammaankooda suga soo raacinaya, ciidammada Badda ee IDJ-na ay ka soo kaxaynayaan xudduudda ay la leeyihiin gobolka shabeellada Hoose sida uu xaqiijiyay maareeyaha dekedda Kismaayo. Maareeyaha Dekedda Kismaayo Mudane Cabdullaahi Salaad Yaroow ayaa sheegay in aan la oggolaan doonin in dekedaha macmalka ah ee Jubbooyinka ay doomuhu ku soo xirtaan, dekedda keliya ee Jubbooyinka ka shaqeyn kartana ay tahay dekedda Kismaayo ee caalamiga ah, wuxuuna intaas raaciyay in doontii lagu arko iyada oo deked macmal ah u socota in ay ciidammada badda ee Jubbooyinka soo qabtaan, waana lala wareegayaa iyada iyo waxa saaranba. A T Gedonet Quote Share this post Link to post Share on other sites