Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Gaaray Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal wasaaraha dalka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa goordhowayd gaadhay Israa’iil. Waxaana lagu wadaa inuu la kulmo dhiggiisa Israa’iil.

Wuxuu sheegay Rishi Sunak in dalkiisa door ka qaadan doono dedaallada ku baaqaya in la joojiyo sii hurinta colaadda.

Dhinaca kalena, Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay burburiyeen maalmihii la soo dhaafay “boqolaal goobood oo ay leeyihiin Xamaas.

Qoraal la soo dhigay barta X, ee ciidamada Difaaca Israa’iil oo hore loo odhon jiray Twitter, ayaa lagu sheegay in milatariga Israa’iil ay “sii wadayaan mar walba weerarada Marinka Qasa”.

Warka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale ciidamada Israa’iil ay burburiyeen ”goobaha gantaalaha lidka ku ah taangiyada, iyo xaruumo kale oo kooxda Xamaas muhiim u ahaa”.

Warka milatariga ka soo baxay ayaa lagu yidhi”in ka badan toban argagixisada ka tirsan ayaan sidoo kale ka takhalusnay”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this