Sign in to follow this  
Deeq A.

“Israa’iil way iga ogolaatay in gargaarka loo fasaxo Gaza…” Biden

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo shalay booqasho gaaban ku tagay Israel ayaa kahor in aanu Tel Aviv ka dhoofin shir jaraa’iid oo uu qabtay ku sheegay waxay ka wadahadleen xukuumada Israa’iil.

Biden oo markii hore taageero xoogleh u muujiyey ayaa u muuqday inay saameyn ku yeelatay dhawaaqa caalamka ka imaanaya iyo diidmada madaxdii Carabta oo joojiyey kulankii ay la yeelan lahaayeen, ayaa sheegay inuu dhanka Israa’iil ka codsaday in gargaarka loo fasaxo dadka ku dhibaateysan marinka Gaza.

Israa’iil waxay ogolaatay in gargaarka deg deg ah la gaarsiiyo Gaza, balse waxay sharuud uga dhigeen in baaritaan la marsiiyo gargaarka halkaasi la geenayo iyo in ayna kooxda Xamaas gargaarkaasi la wareegin, ayuu yidhi Joe Biden.

Wuxuu kaloo sheegay in Mareykanka uu lacag gaadheysa 100 milyan oo dollar ugu deeqayo dadka ku dhibaateysan Gaza iyo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Waxaa xusid muddan in Mareykanka uu illaa iyo hada diidan yahay inuu Israel ugu baaqayo xabad-joojin, isla markaana diiday markii 2aad Qaraarkii Golaha Amaanka ee lagu codsan lahaa xabad-joojin bini’aadamnimo.

Mareykanka ayaa diiday Qaraarkii uu soo diyaariyey Ruushka isniintii, waxaana Mareykanka diidmadaas ku taageeray xulafadiisa UK, France iyo Japan. Waxayna ku doodeen in qaraarkan aan lagu cambaareyn Xamaas.

Arbacaddii shalay qaraar labaad oo ay soo diyaarisay Brazil oo lagu codsanayey xabad joojin ayuu Mareykanka kaligiis ku diiday codka (Veto). Isagoo ku dooday in qaraarkan aan lagu xusin in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is-difaacdo.

Israa’iil ayaa hore biyaha, korontada iyo cuntada la geyn jiray ka jartay Gaza, ciidamada Yahuuda ayaa maamula 7da wado ee laga galo Gaza oo ah deegaan go’adoon ku jiray tan iyo 2006.

Ma cada in maanta oo Khamiis ah la furi doono xaduuda Gaza iyo Masar ama in ay wakhti dheer qaadan doonto.

cisbitaalada Gaza ayaa waxaa gebi ahaan ka go’ay daawadii iyo waliba shidaalkii ay ku shidan jireen mishiinada taasi oo saameyn ku yeelaneysa hawlaha qaliinka iyo waliba daryeelka dhaawacyada culus ee ku xidhan mashiinada.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey dhanka xaduuda Masar la wadaagto Gaza ku xanib naayeen gaadiid badan oo gargaar u sida Gaza, deeqdaasi oo ka timid dalalka Islaamka iyo Carabta.

Tukaanada Gaza ayaa waxaa sidoo kale ka go’ay biyihii iyo cuntadii, iyadoo Gaza dhammaan raashinka iyo cabitaanka looga keeno dibada.

Duqeynta Israa’iil ku wado Gaza oo weli socda ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 3.500 qof oo 70% ay yihiin caruur, haween iyo dad waayeel ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this