Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamina ma leh hoodona ma leh. Intuu xilka hayay Somaliland dhinac walba hoos u dhac baa ku yimi.

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20231019-WA0007.jpg

Hogaamina ma leh hoodona ma leh. Intuu xilka hayay Somaliland dhinac walba hoos u dhac baa ku yimi.

■ Siyaasaddi buu ku fashilmey
■ Dagaalkii buu ku fashilmey
■ Dhaqalahii buu ku fashilmey
■ Dadkii buu midnimadooddii kala diley
■ Kalsoonidii Dowladdnimaddu wiiqey
■ Hantidii danta guud buu xaraashey.
■ Xidhiidhkii caalamku soo oodey

#Failure_Leadership

Waxaan qabaa dalka sanadka u hadhey in dadku adkeysto nabad galyadoodda. Isna fartu ku yimi lagu dhaafiyo hogaaminta umadda.

Markaa ka dib la isla doono dalka iyo dadka sidii loo xoojin lahaa qiyamkooda. Adduunka wey jiraan madax lagu khasaaro liiskaasu ku biirayaa. Taariikhdana sheegi doonta.

Waxaadse mooda in sidan uu dhaqmey dadka dani ugu jirto marka la eego damacyadda quluubtiisa ka guuxaya ey kuwa agj-oogaa soo tebinayaan.

Wasiiradiisu niyad ulama joogaan dhamaantood quus bey ka taagan yihiin. Waxba uma sheegi karaan. Waayo maaha nin u heysta inuu talo u baahan yahey.

Waxa intaas u sii dheer wuu xulasho xun yahey, dadka inta ugu liidatu isku xeerey. Weyna ka baqaan intooda badani.

Qaarna waxey eexey-sanayaan mushaharka iyo xafiisyadda madhan ey fadhiyaan. Markaa waxba yaan lagu mashquulin khaladaadku gale dalka sanadka ha loo istaago badbaadintiisa dhinac walba

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

diinaari1960@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this