Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: City Mayor opens new Milk Meat Market..

Recommended Posts

Gaalkacyo:Maamulka degmada Gaalkacyo oo maanta xariga kajaray Suuqyo ay Yeelatay Degmada Gaalkacyo.

13. oktober 2010

 

APL

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka Dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa maanta si rasmi ah usoo gabagabeeyey islamarkaasna Xariga kajaray Suuqyo ay yeelanayso Degmada Gaalkacyo kuwaas oo isugujira kuwa caanaha & Hilibka oo ay Dawlada Hoose ku mashquulsanayd mudooyinkii lasoo dhaafay.

 

Xaflad xariga looga jarayey Suuqayadan ayaa maanta lagu qabtay Gudaha Suuqa Xero Dayax ee magaalada Gaalkacyo waxaan Xafladan kaqeybgalay Saraakiil katirsan golaha Xukuumada ee dawlada Puntland,Maamulka Gobolka Mudug,kan degmada Gaalkacyo & Dad Weyne Aad u farabadan.

 

Wasiir Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo kamid ahaa Sarakiishii ka qeybagashay Furitaanaka Suuqyadan ayaa sheegey in Dawlada Puntland ay aad ugu faraxsantahay in magaalada Gaalkacyo laga hirgaliyo Suuqyo lagu warshadaynayo islamarkaasna lagu hormarinayo Nadaafada Cuntooyinka Dadka Daruuriga u ah oo ay kamid yihiin Caanaha & Hilibku.

 

Duqa magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan ayaa isna dhankiisa ka hadlay Suuqyadan & Marxaladihii ay soo mareen,waxaana uu sheegey in ay waxbadan ku mashquulsanayaan howlaha Suuqyadan isagoo intaas kudaray in ay u mahadcelinayaan hay’adihii kala qeybqaatay dhisitaanka Suuqyadan.

 

Duqu Wuxuu sheegey in Nadaafada Caanaha & Hilibku ay yihiin kuwo muhiim ah,waxaana uu intaas kudaray in Suuqyada midkood uu yahay Kawaan,midna yahay halka Hilibka lagu iibiyo & Kan Sadexaad oo ah kan Caanaha kuwaas oo uu sheegay inay Yaalaan Qalab Casri ah islamarkaasna ay aaminsanyihiin in ay Cuduro badan ku ciribtirmayaan marka Suuqyadu ay shaqo galaan.

 

Suuqyada ay imika Dawlada Hoose Dhisitaankooda soo gabagabaysay ayaa ah kuwo si rasmi ah u shaqo galaya Saacadaha soo socda,Waxaana uu maamulka Degmadu sheegey in ay imika ku mashquulsanyihiin barnaamijyo kale oo lagu hormarinayo Howlaha magaalada Gaalkacyo taas oo soosocoto mudadii uu Xilka hayey maamulka Degmada oo imika Hal sano jirsatay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this