Deeq A. Posted October 19, 2023 Warar aanu ka helayno Muqdisho ayaa sheegaya in ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ee loo yaqaano (NISA) ay xalay gacanta ku dhigeen Abwaan Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan Abwaan Jeesto, kaas oo Baraha Bulshada ku faafiyay qoraallo uu ku taageerayo Argagixisada iyo fikirka xagjirnimada, kuna dhaleeceynayo dowlada Soomaaliya. Maxamuud oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Muqdisho ku joogtay summadda suugaanta, waxaana uu noqonayaa qofkii labaad ee dhallinyaradaas ah lala xidhiidhiyi fikirka xagjirka argagaxisada. Dhawaan ayay ahayd markii Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ku joogay Muqdisho la shaaciyay inuu tagay AS oo uu go’aansaday inuu ku biiro, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay buugg uu qoray. Source Share this post Link to post Share on other sites