Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Odayaasha Koonfur Galbeed oo arrin muhiim ah ka ballan-qaaday Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Lafta-gareen.jpeg?fit=2048%2C1366&

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa xalay kala hadlay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo argagaxisada Al-Shabaab ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay nolasha iyo nafiska ay dareemayaan dadka deegannada laga xoreeyey argagixisada ee HirShabeelle iyo Galmudug ay dhiiri-gelkin u tahay in la xoreeyo deegaano cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in abaabulka dadweynaha, wacyigelinta dhibaatada argagixisada iyo adkeynta midnimada bulsho ay aas-aas u tahay wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, taas oo ay doorka ugu weyn ku leeyihiin waxgaradka, odeyaasha dhaqanka iyo Hay’adaha dowladeed ee Konfur-galbeed.

Dhankooda, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku ammaanay ka go’anaanshihiisa ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah argagixisada.

Sidoo kale, Duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxay soo bandhigeen in ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan sidii uu miro-dhal unoqon lahaa wajiga Labaad ee halganka xoreynta, maadaama dadka Koonfur-galbeed ay u hanqal taagayaan in ay iska xoreeyaan argagixisada.

Xasan.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 394060569_750660313771777_36703076625503 393777574_750660277105114_38338348928044 393715792_750660430438432_21780068000858 Lafta-gareen.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 394187102_750660373771771_64386270533224 393747214_750660240438451_43920640354768 Xasan-Lafta-gareen.jpeg?resize=696%2C464 393765275_750660550438420_63549257501714 394265971_750660533771755_78454393890909 393409396_750660417105100_89190536834177 393950617_750660580438417_74911713723352 Odayaasha-Koonfur-Galbeed-oday.jpeg?resi

The post Sawirro: Odayaasha Koonfur Galbeed oo arrin muhiim ah ka ballan-qaaday Xasan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this