Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Mustaqbalka Saylac

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Mustaqbalka Saylac

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyugelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore,ayaa sheegay in magaalada Saylac ay ka tirsan tahay Somaliland weligeedna ay ka tirsanaan doonto.

Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku qoray Twitterka, waxaanu tilmaamay inay Saylac leedahay Somaliland weligeedna ay sidaas ahaan doonto.

Wasiir Koore wax tafaasiil ah kama bixin dhawaaqa Ra’iusulwasaaraha Itoobiya ee ku wajahan damaciisa la xidhiidha dekedda Saylac oo uu sheegay in dalkiisu xiog iyo xeelad ta uu ku heli karaba u baahan yahay deked. Iyadoo Itoobiya oo aan bad lahayni samaysaatay Ciidan Xeebeed kaasi oo marag fur u ah damaceeda oo bilaabmay 78 sanno ka hor, hase yeeshee Mr. Abiy Ahmed uu dib boodhka uga jafay himiladaas duugowday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this