Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka ATMIS oo Xoogga Dalka Ku Wareejiyay Xero Ku Taalla Raagaceelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada  ATMIS ayaa saldhigii ay ku lahaayeen Degmada Raaga Ceelle ee Gobalka Shabeellada dhaxe ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Qoraal ka soobaxay ATMIS ayaa lagu yir’’ Ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa hadda loo daabuli doonaa gobollo kale oo Soomaaliya ka mid ah si ay u xoojiyaan ammaanka”.iyaga oo taageeraya xooga dalka ee  howlgallada wada.

Wareejinta xeradaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyada oo xerooyin badan ay ka baxeen ciidanka ATMIS lagu wareejiyay ciidanka Soomaalida, taas oo qeyb ka ah hannaanka ciidanka dowladda amniga kula wareegayaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this