Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirrro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Baydhaba + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
392861407_893336919024027_86948425323878

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, isaga oo ka ambabaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxaa gaaroonka diyaarada Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta qayb ka ahaa ku simaha gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS, wasiiro, golayaasha maamulka Koonfur Galbeed, maamulka gobolka Baay, kan degmada Baydhaba saraakiisha hay’adaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa waxaana kadib loo galbiyay dhanka qasriga madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu ku bilaabayo kulamo xasaasi ah.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Socdaalka madaxweyne Xasan Shekh ayaa ah dardargelinta bilaabida wajiga 2-aad ee dagaalka dalka looga saarayo Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa madaxweyne Laftagareen iyo qayba kale ee maamulkaas kala hadli doono xiisadda siyaasadeed ee ka taagan doorashada maamulkaasi, si xal loogu gaaro, maadaama ay walaac muujinayaan xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda halkaasi.

Lama oga inta uu qaadan doono safarka madaxweynaha, waxaase loo badinayaa in dhowr cisho uu sii joogi doono Baydhaba, marka la fiiriyo culeyska ka taagan magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan uun kasoo laabtay Galmudug, isaga oo muddo laba bilood ah soo joogay magaalada Dhuusamareeb oo uu ka hagayay dagaalka Shabaab.

Waxaa sidoo kale uu booqday degmooyin ka mid ah HirShabelle, sida Maxaas iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u tegay Baydhaba, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May, hase yeeshee safarkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay Koonfur ka taagan tahay xiisad ka dhalatay doorashada iyo mida dagaalka Al-Shabaab.

394010217_893336279024091_14936730913718 391687827_893336622357390_54017001617998 391714592_893336802357372_86153892879060 392861407_893336919024027_86948425323878 393421911_893334915690894_13883596436856 393486133_893334742357578_44244264960324 393918516_893334812357571_27720913926908 393926892_893334772357575_12357226074111 393927012_893335152357537_66678294446528 393948795_893334839024235_22396302253915

The post Sawirrro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Baydhaba + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this