Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Roobow oo shaaciyay saddex hab oo lagu soo afjari karo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Roobow.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta ka qayb-galay munaasabadda daah-furta  xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Roobow ayaa marka hore boggaadiyay doorka madaxweynaha ee ku aadan dagaalka lala galay kooxda ee ku aadan dhanka milatariga iyo midka dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ay iyadana qaadatay doorkeeda, isla-markaana ay abaabushay shirar ka dhan ah Al-Shabaab.

“Madaxweynaha markuu yiri, nimankaan waa la dagaalamayaa, dagaalka tooska ah, dagaalka dhinaca dhaqaalaha, iyo kan fekerkaba, XJF howl weyn bay iska saartay. Waxaa la qabtay shirweyn oo culimada Soomaaliyeed isugu yimaada, xukun bayna soo saareen kii baana lagu dhaqmaa,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda awqaafta xukuumadda Soomaaliya.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horay uga tirsanaa hooggaanka kooxdan ayaa soo bandhigay tallooyin saddex ah oo uu sheegay in lagu soo afjari karo Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ku taliyay in lagu qaado dagaal toos ah, ama lala galo dood cilmiyeed ku aadan Diinta amaba in lala furo wada-hadal, si loo qanciyo.

“Fikirkan oo kale marka uu dalka ka dhaco saddex arrimood waa lagu soo  afjaraa dagaal toos ah, dood ay culimadu la galaan nimankaas iyo wada-hadal lala furo si loo qanaciyo” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka.

The post Daawo: Roobow oo shaaciyay saddex hab oo lagu soo afjari karo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this