ilax Posted August 11, 2008 Ururka ONLF iyo Masiirka Ummadda Gobolka Somaligalbeed (Qeybtii koowaad)08/11/08 Ambasador Ali Cabdi Gurxan - Anigoo kaashanaya xog-ogaalnimadayda iyo la socodka aan la socdo arrimaha mandaqadaas muddo aad u dheer,gaar ahaan wixii ka dambeeyay 1991. Anigoo ka xanuunsan baaba'a, rajo la’aanta iyo jaha-wareerka dadka gobolka soo food saaray. Waxaa aad iigu adkaatatay in aan ka sii amusnaado xaaladdan sidaas u murugada badan Waxaan haddaba go'aansaday in aan fadhiga ka kaco, qoraalna ku tilmaamo aragtidayda iyo dareenkayga, si aan dadka ugu baraarujio xaqiiqada dhabta ah iyo xaaladda gobolku ku sugan yahay,anigoo xusaya dhacdooyin iyo tallaabooyin siyaasadeed oo si hkaldan loo qaaday, sababna u noqday dhibaatooyinka maanta taagan. Waxaan haddaba maqaalkan ku soo qaadi doonaa hor-dhac gaaban, Taariikhda Ururka Onlf oo kooban, dabeecadiisa dhabta ah, dagaalka ka oogan gobolka iyo dhibaatada uu dadka dhaxalsiiyay, masiirkii ummadana mugdi u galiyay. Ugu dambeyntii waxaan gabo-gabo-ahaan u soo jeedin doonaa wixii talo ah een is leeyahay waa looga gudbi karaa xaaladdan cakiran iyo weliba dood furan oon jeclaan lahaa in si buuxda looga soo qayb galo si talada loo qaybsado,xalkana loo wada raadiyo. Hor-dhac gaaban oo Taariikheed. Talisyadii gumeysiga Europe ee Qaaradda Afrika qaybsaday ee kala qoqobay, laga soo billaabo bartamihii qarngii 19aad, Geeska Afrika wuxuu noqday Gobolka keliya ee Dawlad afrikaan ah (Ethiopia) ka qayb gasho sidii loo isticmaarsan lahaa dadyowga reer Afrika waa xilliguu boqor Menelik ka talinayay dalkaas.Wuxuu ku guuleystay in cadkiisa loo oggolaado, asagoo gacanta ku dhigay qaybtii u horreysay ee gobolka ****** iyo gobollo kale ee qowmiyadaha faraha badan ee Ethiopia. Godobtaas taariikhiga ah waxaa xigay dagalkii gardarrada ahaa ee boqortooyada ingiriisku ku burburisay Tawraddii Daraawiishta 1921. Isticmaarku sidaas kuma hadhine wuxuu sii waday gabood falkii iyo kala qoqobiddii ummadda somaaliyeed. Markuu jabiyay talyaaniga,geeska afrikana ka saaray, wuxuu ingiriisku si badheedh ah ku duudsiyay xuquuqdii dadka gobolka ******,qaybtii labaad ama dhammaan intii ka hadhay gobolkaas ayuu asagoon cidna kala tashanin hadiyo iyo mag-dhaw u siiyay boqor Hayle Selassie, si looga raalli geliyo qabsashadii iyo burburkii ka soo gaadhay Xukinkii Fashistiga ahaa ee talyaaniga ee Benito Mussolini,sanadyadii 1935-1941. Kaniisadaha Dalalka Qarbiga ah iyo ururkii qaramada(League of Nations) ee la asaasay dagaalkii 1aad ka bacdi,dawladaha galbeedkuna hoggaaminayeen,gaar ahaan Ingriiska iyo Mareykanka oo waagaas cudidiisa la soo baxay ayaa ka xumaaday dagaalkii Talyaanigu ku qaaday Dawlad masiixi ah oo xubin ka ah ururuka League of Nations.Waxay Heyaddas si xun u cambaareysay weerarkii Mussolini, iyo qabsashadii uu Ethiopia qabsaday, arrintasoo uu aad uga cadhooday Mussolini kuna riixday in uu xiriir sokeeye la yeesho Hitler intuu socday dagaalkii 2aad 1939-45.Tasoo soo dedejisay jabkiisii. Waxaa kaloo xusid mudan in isla mudadaas dawladaha qarbigu mag-dhaw iyo xadhaadhsin u siiyeen dalka falastiin firirkii dadkii yuhudda ahaa ee ka badbaaday nidaamkii naziga ee Hitler, si ay damiirkooda u dejiyaan dunuubtii badnaydna isaga maydhaan.Taasoo yuhuudda u noqotay hub siyaasadeed oy had iyo jeer ku beer-laxawsato kuwii dambiga ka galay. Labadan mushkilo oo uu gumeysiga Ingiriisku abuuray muddo laga joogo 60 sano, weli sidii bay u calliqan yihiin.Inkastoo labadooduba ay maanta haystaan xukun daakhili ah. Haddaan u soo noqdo mandhaqadeena, dabcan,waqtigaas dadka Gobolka ******(Somali galbeed) ku nolaa ma lahayn biseyl siyaasadeed iyo madax u dooda shacabka oo gardarraas diida ama ka dhiidhida. Gobolku markuu isticmaarka madow gacantiisa galay, waxaa gudaha dalka ****** ka billowday dhaqdhaqaaqii ururkii SYL ee 1943 Somalida konfureed ka dhashay, kadibna waxaa xigay iskudayo kale iyo jabhado xorriyo u dirir ah oo lagu baadi goobayay xuquuqda ummadda soomaliyeed. Dhaqdhaqaaqii Xodayo(1963-64) ee Garaad Makhtal Daahir hoggaaminayay,Ururkii Nasrullahi ee Dr. Ibrahim Xaashi madaxa ka ahaa, Ururkii WSLF ee lagu asaasay TuuladaYaaq-badhiweyn,duleedka Muqdisho bishii January 1976 ayaa ka mid ahaa ururadii gobanimadoonka ee ayagu u istaagay madax-bannaanida Gobolka ******. Ugu dambayntii dagaalkii 77 ee sida xun loogu jabiyay Taliskii Mengistu ayaa ka dhacay mandhaqada. Shacabka iyo dawladda J.D.S. uma kala hadhin dagaalkaas, si hagar la'aan ahna way uga qayb galeen, dad iyo duunyo badana way uga baabe'en.Hayeeshe, gurmad hiil iyo hooba leh oo dawldda ruushku u fidisay Mingistu ayaa gushaas tirtiray, riyadii soomaliweyna aasay. Mujaahidiin fara badan oo ka tirsanaa ururkii WSLF oon tirakoobkooda la haynin ayaa iyana dagaalkaas ku hoobtay oo naftooda u huray Eebe ha u wada naxariiste. Iskudayadan kor ku xusan oo idil, ayaan darro, way wada fashilmeen, Sababaha guldarradaas wey badan yihiin,haseyeeshe kuma talo gelin in aan qoraalkan ku soo qaado.(maqaal cinwankiisu ahaa: Dib u Dhaca iyo Guuldarrada aan dhammaadka lahayn) ayaan horey ugaga faallooday sababaha qaarkood.billowgii 2004. Ururka Onlf oo maqaalkan aan kagaga hadli doono ayaa ugu dambeeyay ururadii isu taagay in uu dalkaas u halgamo. . Haddaan intaa uga gudbo hor-dhacan kooban ee taariikhi ah, aan marka u leexdo mowduuca aan doonayo in aan ka hadlo ee ah Cinwaanka maqaalkan. ONLF Ayadoo qaddiyaddii gobolka ****** sidii u calliqan tahay wax isbeddel ahna uusan dhicin ayuu Xukunkii Maxamed Siyaad Barre burburay billowgii 1991, muddo yar ka dibna waxaa asagana meesha ka baxay kii Mengistu. Ayadoo lagu jiro walaahowgii iyo kala cararkii ka curtay Geeska Afrika,ayaa markii ugu horreysay la maqlay jiritaanka Urur cusub oo la magac baxay ONLF. Ururkan wuxuu saaxada siyasadeed soo galay saagaashamaadkii iyo wixii ka dambeeyay burburkii Dawladdii Somalia.Inkastoo ay curashadiisu Jabhaddu ku beekto xilli waqtigaas ka horreeya.Waa Urur Aabayaal badan leh oo asaaskiisu muran badan abuuray. Shahksiyaad dhawr ah ayaa mid-walba sheegta in uu fikradda iyo dhismaha ururka asagu ka dambeeyay. Ilaa iyo maantana si sugan looma hayo qofka ama kooxda fikradda dhabta ah lahayd , meesha iyo waqtiga Ururka Onlf lagu asaasaay Way habboonaan lahayd qofkii xogtaas haya in uu arrintan diirka ka qaado,dadweynahana ka jaahil bixiyo. Intaas ka bacdi, aan markan nalka ku iftiinsho ururka iyo masuuliyiintii isaga dambaysay hoggankiisa, habka ay wax u maamuleen iyo doorka ay ka ciyaareen dhibaatada,jabka iyo jaha-wareerka dadka iyo dalkaba aafeeyay. Haddaba in yar aan taariikhda Onlf dib ugu noqono. Kooxdii Dimishiq (Suriya) Koox dhallinyaro ah oo Dalka Suuriya wax-barasho u joogtay ayaa soo ifbixisay jiritaanka Ururka ONLF billowgii sagaashamaadkii Qarnigii 20aad, (Maxamed Sheekh Ibrahim, Siyaad Badri, Ahmednur Sanwado, Ismaciil sheekh Cabdi iyo Caddani Hirmooge) ayaa ka mid ahaa dhalinyaradaas inta aan ka xusuusto. Wuxuu ahaa urur loo hanweynaa oo car-car geliyay qaddiyaddii, dadweynuhuna aad u soo dhaweeyay.Wuxuu ku soo beegmay dhicitaankii taliskii Mingistu, dad fara badan oo ka soo qaxay dagaalkii sokeeye ee Somalia oo gobolka u dhashay ayaa dib ugu soo noqday dhulkoodii hooyo, dadkan iyo kuwii horey ugu sugnaa dalka gudihiisa ayaa si wada jir ah u raacay ururkan cusub ee ay dhallinyardan fir-fircoon mayalka u hayeen. Cid ka hortimid ama caariday midna ma jirin. Fursad aan la heli karin ayaa Ilaahay siiyay. Haddaba, maxay qabteen? Xaggey wax ka billaabeen? Shirkii Geerig'an Shaqo ay qabtaan Kooxdaas waxaa ugu horreeyay shir kadis ah oo ka dhacay magaalada Geerigo'an.Wuxuu ahaaa shir aad loogu xiisa qabay lana odhan karo waa shirkii u horreeyay e ka dhaca gobolka ee dadka gobolka daga oo dhan ka wada muuqdeen, haddana nasiib darro sidii la rabay loogama faaiideysanin.Wax natiijo ah ama go'aan ka soo baxay shirkaas habayaraate ma jirin. Barnaamij siyaasadeed, dhismo Gole iyo madax ururka matala midkoodna kama soo bixin.Meesha waa la isu tagay waana lagu kala dareeray ayadoon waxba la xaqiijinin.Waxay noqotay wax la qaadan waayey oo dadkii niyad jab ku ridday. Waxaa xigtay oo kooxdaasi sameysay oo iyana yaab keentay shirkii Geerigo'an markuu dhammaaday ayay si lama filaan ah ayagoo habqan ah oon madax iyo minjo toona lahayn isku soo shubeen Addis-Ababa si ay uga qayb galaan Shirweynihi halkaas uga socday qowmiyadaha reer Ethiopia bishii July 1991. Ka qayb galka Shirweynaha Addis Ababa iyo codsiga Ururka Onlf waxy ahaayeen arrimao si cad u burinaya, baaqii ina Siraad Doolaal uu ka jeediyay London intuu socday kulankii jabhadaha reer Ethiopia, kuna saabsaana ka tashiga aayaha iyo mustaqbalka dalka Ethiopia,Doolal oo sida la wada xusuusto baaqiisa ku sheegay in shirka London uusan khuseynin Gobolka ******. Guddoonkii Shirweynaha markii hore wuu ku gancan saydhay codsiga Onlf,madaama ay horey ugu baaqeen kuna andocoodeen in aysan ahayn ethiopian. Muran iyo dood dheer ka bacdi iyo taladii uu wafdigii Wslf soo jeediyay ee Allaha ha u naxariiste Sheekh Abdinasir Sheekh Aden hoggaminayay ayaa ugu dambayntii Shirweynuhu oggoladay in ay iska soo fadhiistaan shirka ayagoo ku dhafan wafdiga Wslf. Qowmiyadda somalida, guud ahaan, guuli kama raacin madashaas,si xun ayaa loogu bahdalay, dad ka so cararay dagaalkii sokeeye ee Somalia oon waxba u diyaarsanayn ayay ahaayeen xubnihii somaliyeed ee shirka ka qayb galay. Aragti mideysan iyo barnaamij siyaasi ah midna lama aysan imaanin goobta, sidaa darteed xagga kuraasta iyo awood qaybsigii waxaa loo tuuray in yar oo san-dareerta ah oo quudhsi iyo xaqiiraadi ku jirto. Qaadacaaddii iyo diidmadii ka mid ahaansha dalka Ethiopia ee ay horey ugu dhawaaqeen madaxda Onlf si dhaqso leh ayey uga noqdeen, waxayna oggolaadeen in ay ka mid noqdaan kana qayb galaan nidaamka cusub ee Qowmiyadaha reer Ethiopia mustaqbalka lagu dhaqi doono. Waxaa durba soo ifbaxday in kooxdani aanay waxba dhawranin, itjaah iyo mabdà suganna lahayn. Isburiska, kala hadalka iyo fudaydka waxay noqdeen astaamaha ay durbaba ku caan baxeen . Xilligii Sheekh Ibrahim Eebe ha u naxariiste (1992-1998) iyo Shirkii Garbo Janayo 1992 Talaaabadii xigtay waxay noqotay in shir hal beel u badan tahay ay ku qabtaan magaalada Garbo,kadib markay si khayaano iyo kalsooni darro ku dheehan tahay ay u burburiyeen heshiiskii Addis-Ababa ee Wslf-Onlf horey u wada gaadheen oo ahaa in shir-weyne labada urur u dhanyihiin la qaabto markay soo dhammaadaan boqashooyin la qorsheeyay in lagu kala bixiyo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Malaha waxay ka baqeen in Wslf ay meesha ka riixdo,manaasibta sarana ka qaado.Si kasta ha ahaate, arrintaasi waxay abuurtay kalsooni darro iyo kala jab labada urur iyo guud ahaan dadka gobolka dega.Maxamad Sheekh Ibrahim oo keliya ayaa taxafudaad ka sameeyay go'aanka saaxiibadiis,wuxuuna si cad uga sheegay BBCda in ay habboonayd in la ixtiraamo heshiiskii ay labada urur wada gaadheen, tasoo u soo jiiday in ay geeska geliyaan iyo dhibaatooyin badan oo siyaasadeed. Waxaa shirkii Garbo lagu doortay guddi dhexe oo Sheekh Ibrahim Cabdalla Madax u yahay.Wiilal yar-yar oo khibradooda iyo aqoontooduba aad u hooseyso ayay u badnaayeen xubnihii loo dortay Golaha dhexe. Dagaal aan laga fiirsanin oo si fudud u dhacay Markii ay dhammaysteen shirkoodii, waxay si lama filaan ah oo qar iska tuur ah dagaal ku qaadeen kolonyo ciidamo ah oo jid caddaha Qabridahare- Dhagaxbuur iska marayay oon cidina wax u geysanin,colaad iyo dhibaato ka dhexysay dawladdii cusbayd ee Ethiopia, iyo dadka gobolka ****** waqtigaas habayaraate ma jirin, Dhimasho iso dhaawac badan ayaa labada dhinacba dagaalkaas ka soo gaadhay. Waxaa ka mid ahaa dadka dagaalkaas ku dhintay Kaafi iyo ina Sheikh Muxumad Iraad oo asaga lagu dilay duleedka magaalada Dhagaxbuur. Waan ka xumahay in aanan wiilashaas magacyadooda oo saddaxan haynin .Labo nin oo aad u qiimo badnaa sida lawada sheegayay ayey ahaayeen, labaduba xubno ka noqday Golihii dhexe ee Jabhadda ee Garbo lagu doortay. Bal maxay ku dhinteen labadaas nin iyo dadkii kalee rayidka ahaa ee xabbddu haleeshay?, Dhimashadaas micno-darrada ah een laga fiirsanin ayaa weli sidii u socota oo laga lug bixi làyahay..Irdhadii iyo kala aamin bixii markaas billowday, ee ka dhex abuurmay Dawladda dhexe iyo ururka Onlf,maalinba maalinta ka dambaysa cirkay isku sii shareeraysay. Sidaas darteed,dhibaatada colaadeed ee maanta taagan masuuliyadeeda waxaa dhabarka u ridanaya oo abuuray,cidina inkiri karin kooxdii Dimishiq. Sheekh Ibrahim oo masuulkii u sarreyay ahaa wuu awoodi kari waayay in uu xakameeyo dhacdooyinkaas iyo fudaydka nimankaas dhallinyarada ah. Wiilashaas iyo koox kale oo shirkii Garbo intuu socday ku soo biiray oo Dolaal,Diirrane iyo Maadey ka mid ahaayeen,ayaa marin habaabiyay qaddiyadda gobolka ******. Waa nimankii goosadka noqday ee kala dhantaalay midnimada ummadda ku nool degaanka somaaliyeed. Beel walba ayadoo ka shidaal qaadanaysa Ururka Onlf, waxay dhisatay urur u gaar ah. Muddo gaaban gudeheedana waxaa laga as-aasay Degaanka somaalida 14 urur beeleed. Waxaa kala qaybsanaanta iyo kala aamin baxaa ka faaiideystay Eebe ha naxariiste Cabdilmajiid Xuseen oo markaas ahaa wasiir ka tirsan xukuumadda federaliga ee Ethiopia iyo koox asaga tabacsanayd. Jagadadii iyo maqaamkii uu baneeyay Sheekh Ibrahim,waxaa ku fadhiistaay Dr.Cabdilmajiid. Qaddarin iyo Leadership uusan weligii ku riyoonin ayuu meeshaas ka macashay. Dhiillada iyo dhibaatada dadka degaanka dega maanta dex-taalla waxaa abuuray oo aabe ka ahaa kooxdan kor ku xusan ee Sheekh Ibrahim horkacayey Cabdilmajiid iyo saaxiibadiisna kama aysan roonaanin ee kala aamin bixii iyo kala qaybsanaantii bay sii kordhiyeen. Arrintaas waxay dhaawac weyn u geysatay minimadii qowmiyadda somaaliyeed iyo dawrkii siyaasiga ahaa ee ay ka ciyaari lahayd Ethioada cusub ee federaliga ah. Doorashooyinkii Barlamaanka Degaanka Somaliyeed 1992 Isla sanadkii 1992 dhammaadkiisii,waxaa la guda galay dorashadii Baarlamaanka ee killilada sida ku caddayd Axdigii ku meel gaarka ahaa ee lagu ansixiyay Shirweynihii Addis-Ababa July 1991.Doorashooyinkaas oo ahaa kuwii ugu horreyay ee si xor ah uga dhaca dalka Ethiopia. Ururka Onlf si xamaasad leh,laakiin aan wax barnaamij ah iyo qorshe siyaasisadeed midna lahayn ayuu uga qayb galay dorashadaas. Kuraastii inteedii badnaydna asaga ku guuleystay .Markii ugu horreysay ayey dadka Gobolkaas dega u suurtowday in ay Barlamaan ayaga matala si madax bannaan u soo doortaan. Waxaa markiiba la dhisay Heyadddi fulinta ama Xukuumadii Degaanka. Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii iyo 13 xubnood oo guddiga fulinta waxay noqdeen xubno ka tirsan Onlf.Waaa cusub oo rajo iyo yididiilo xambaarsan ayaa dadka u baryay.. Awooddii fulinta iyo sharci dejintaba ayagaa wada helay,Magaalada Godeyna waxaa loo doortay Casimaddii Degaanka Ismaamulka Somaliyeed. Si carqalad la'aan ah, faragelin làaan ah xagga Dawladda iyo xagga shacbigaba ayaa loo soo dhaweeyay,si madax banaan oo dimoqraadi ah ayey xukunka ku hanteen ,dadweynuhuna ku aaminay. Onlf, kolka maxay shacabka ugu qabatay awooddaas ballaaran iyo xilkaas loo doortay? Madaama sidaan horey u sheegay, xag siyaasadeed, xag dhaqaale iyo xag bulsho toona wax qorshaysnaa aanay jirin ,doorashadana la iska galay, natiijo fiican meeshaas kama soo bixin,dadkii la soo doortay badankood waxay noqdeen kuwo aqoontooda iyo waayo aragnimadooda aad u liidato. Sidaas darteed karti ay wax ku maamulaan ma lahayn. Hadday daacadnimo,garasho, qorshe iyo strateejiyo siyaasadeed la imaan lahaayeen,wax walba way hagaagi lahaayeen.Qaylo dhaan bay meel walba u diri lahaayeen doorashada ka hor,waxay ka raadin lahaayeen dibedda iyo gudahaba dadka gobolka u dhashay ee aqoonta iyo khibradda leh, si ay uga qayb galaan hoggaanka iyo maamulkaDegaanka. Haddii ay talada iyo tashiga badin lahaayeen si ay u ****olaan nusqaankii iyo kart-yaridii haysatay, awoodaas weyn ee gacantooda soo gashay wax badan bay dadka ugu qaban kari lahaayeen. Nasiib darro, mà aanay yeelin sidaas, madaama uusan jirin biseyl siyaasadeed iyo meel fog wax ka odorosid. Intoodii kooxaysigu ka dhexeeyay iyo waxay ayagu wateen kelya ayaa ku soo baxay doorashadii,awooddii maamulkana isku koobay. Khilaafkii Sheekh Ibrahim iyo Cabdullahi Sacdi. Muuddo gaaban ka bacdi oo weli Godey la wada joogo, maamulkiina uusan weli dhammaystirmin ,ayaa waxaa billowday buuq iyo is-afgaranwaa, ka qarxay masuuliyiinta Onlf dhexdooda. Waa arrinta maantaba taagan, waa wax aanay weligood ka waantoobaynin, kana ilbaxaynin Guddoomiyihii ururka Sheekh Ibrahim iyo Madaxweynihii Dawlad goboleedka Cabdullahi Maxamed Sacdi Eebe ha wada naxariistee oo labaduba ka tirsanaa ururka ayaa si xun isugu dhacay, khilaaf aad u weyn iyo is-qabqabsi u diiday in ay wax talaabo ah qaadaan ayaa Godey hareereeyay.Dawladda dhexe oo in mudda ah eegeysay sida ay wax u socdaan iyo fawdada weyn ee Godey ka aloosan, markay ogaatay biseyl la'aanta iyo kala qaybsanaanta ururka Onlf,ayay ugu dambayntii ka fursan weyday in ay soo farageliso maamulkii degaanka soomaalida waxayna si badheedh ah, oo xurmad darro ah oon wax sabab ah lahayn xabsiga Addis Ababa ugu taxaabtay saddexdii nin ee maamulka ugu sarreysay. Muddo bilo ah kaddibna waa la iska soo daayay ayagoon wax dambi ah lagu soo oogin. Intii ay xidhnaayeen seddxdaas masuul,Ururka Onlf iyo maxdiisa, ha ahaadaan xubnaha Barlamanka ama kuwa maamulka oo aqlabiuaddu Onlf ahaayeen,habayaraate meel ka dhacaas iyo gardarradaas qaawan ee loo geystay madaxdaas, cid ka hadashay, oo ka dhiidhiday ama daba gashay ma jirin. Laga soo billabo waqtigaas Saraakiisha Dawladda dhexe u qaabilsan Degaanka Somalida, militari iyo madaniba, darajadoodu waxay doonto ha ahaatee, kama deynin maamulka Gobolka fragelin joogta ah oo illaa iyo maanta socota. Curyaaminta maamulka gobolka iyo faragelinta dawladda dhexe,waxaa saldhig u ah karti darrada ururka Onlf asagaana masuul ka ah, waayo waxay ka soo bixi waayeen xilkuu dadku ku aaminay, waxay ka baqeen oo ku dhici waayeen in ay diidaan waxa aan dawga ahayn ee khilaafsan Axdiga iyo xeerka Ismaamulka Killilada u degsan ee wakiillada dawladd dhexe banneysteen. Waxay kari waayeen in ay dhibaatada iyo is-afgaranwaaga dhexdooda ah xal u helaan. Sheekh Ibrahim wxuu ku gacan saydhay farriimo iyo martiqaad uu ka helay Madaxweyne Meles Zenawi waa intuusan noqonin Raiisul Wsaare, wuxuu diiday in uu Addis ka dago,madaxda dalkana la kulmo xilligaasoo aad loo sugayay xiiso wena loo qabay. Meles Zenawi iyo Sheekhuba waxay ka tirsanaayeen madaaxdii ururadii ka soo horjeeday Taliskii Mingistu, Masuuliyiinta TPLF waxay markaas maskaxda ku hayeen abaalkii shacabka soomaliyeed u galay xilligii ay dagaallamayeen iyo halgankii dheeraa ee qowmiyadda somaliyeed kula jirtay Talisyadii ayaga ka horreeyay. Sidaas daraadeed waxaa aad suuragal u ahayd in ay isla fahmi lahaayeen ka duwnaansha qaddiyada ****** kuwa Qowmiyadaha kale (specificity of the ******'s cause),halkasna laga abuuro jawi wax-wada qabsi iyo iska warqabid joogta ah,si qaddiyada loo barbaariyo, bushigana looga ilaaliyo. Sheekh Ibrahim iyo kooxdii la socotay ee madaxa u gundhin jirtay sidaas wax uma ay fahmin.Waxay damceen in ay nidaamka dalka Ethiopia ka mid noqdaan isla markaana ay jabhadeeyaan.Waxaa laga soo wariyay Sheekh Ibrahim iyo la-taliyaashiisa in ay iska dhaadhiciyeen in aan la qaadanin waxan diyaarka ah ee nalagu hoosaasinayo iyo xorriyad aan dhiig badan ku daadanin oon qori caaraddiis lagu soo dhicinina in aanay ahayn mid dhab ah. Waa falsafaddaas qar-iska tuurka ah iyo qiimeeyntaas qalloocan waxaa asaaska u ah dhibaatadan ummadda curyaamisay ee maanta loo caal la’yahay. Maamulkii Xasan Jire iyo Go’aan lagu deg-degay 1994. Markuu burburay maamulkii Cabdullahi Sacdi, muddo gaaban ka bacdi waxaa madaxnimada maamul goboleedka loo doortay Ilahay ha naxariistee Xasan Jire Qalinle.Wuxa uu maamulkaas ku dhaqaaqay oo lagu xusuusto waxaa ka mid ahaa go'aankii taariikhi ahaa ee aaya ka talinta ee Baarlamaanka degaanku ansixiyay. Sida xaqiiqada ah Xasan jire iyo maamuulkiisu aad ayey ugu deg-dageen soo jeedinta mashruuca aayaa ka talineed ee ay Barlamaanka horkeeneen.Tallaabadaas ma ahayn mid marka hore shacabka laga dhaadhiyay, ma ahayn mid Dawladda dhexe lagala xaajooday, bulshada caalamkana wax lagala socodsiiyay.Si kadis ah oo laab la kac ah ayaa mashruucaas Barlamaanka loo horkeenay, dhaqsana looga ansixiyay. Eritrea, oo iyadu awood militari iyo siyaasadba lahayd, toosna u go’i kartay hadday doonto, waxay haddana ku qaadatay labo sano(1991-1993) oo wada xaajood ah ayada iyo dawladda dhexe si la isula meel dhigo habkuu goi’taankoodu u hirgeli lahaa (modalities). Markaas ka bacdi ayey shacabka u bandhigtay, aftina lagu aqbalay. Xasan jire iyo maamulkiisa waxay kala saari waayeen in mabaad'ida dastuuriga ah iyo hirgelintooda uu farqi iyo waqti badan u dhexeyn karo, ma aha wax si kadis ah lagu iclaamin karo.Waa arrin u baahan abuuris jawi kalsooni ku dheehan tahay ee labada dhinac ee aarrintu khuseyso,dhiraan-dhirin badan,dadaal joogta ah, samir ,lobby iyo wargelin bulshada caalamka. Dawladda dhexe oon weli si fiican u caga dhiganin, xukunkeediina aan si fiican dalka ugu wada fidinin,umbaa si lama filaan ah idaacadaha uga maqashay in Qowmiyadda soomaliyeed ka ansaxisay Barlamaan goboleedka go'aan aaya ka talineed. Buuqii hore iyo kala aamin bixii oo sidii u taagan ayey arrintani ku soo beegantay. Tallaabadaas aan laga fiirsanin waxay sii kordhisay kala aamin bixii iyo kala fogaansha qowmiyadda somaliyeed iyo Dawladda dhexe, waxay keentay in Xasan jire iyo ku xigeenkiisii Axmed Cali Dahir xabsiga isla markiiba la dhigo, ayagoo la mariyay dhabihii Cabdullaahi Sacdi iyo saaxiibadiis. Sidii looga gaabsaday oo looga amuusay xadhigii Cabdullahi Sacdi iyo ku xigeennadiisii oo kale ayaa qabsatay Mudane Xasan Jire iyo ina Cali Dahir. Cid ka hadashay ama weydiisay sababta lagu xiray madaxdaas ma ay jirin ha ahaado Baarlamaanka go’aanka ansaxiyay ama ururka Onlf . Muddo markay xidhaayeen ayaa iyagana la iska so daayay ayadoon wax dembi ah oy ku muteysteen xabsiga loo sheegin. Xukuumaddu markay aragtay in cidday doonto iska xidhi karto wax ka aandacoonayana aanay jirin, in madaxda soomaalida yihiin dad liita oo ayagu is cunaya oo seef la bood ah, aragti iyo ujeedo mideysana ka maqan yihiin, biseyl siyaasadedna aan lahayn, waxaa ku dhacay, sida aan qiyaasayo, isbeddel 180%, markaas ayey billabantay in la quudhsado qowmiyadda somaalida, in maamulkoodii la dhex-galo, in madaxdooda sabab la'aan la iska xidho, in sidii la doono laga yeelo, in xaqoodii la duudsiyo."Lax walba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa". Dhaqankaas gurracan, fudaydkaas fulaynimadu weheliso, arrimaha ayadoon la dhuuxin la iskaga dhex-dhacayo waa waxa sababay is-afgaranwaaga maanta ka dhexeeya Jabhadda ama qowmiyadda soomaliyeed guud ahaan iyo Dawladda dhexe, colaadda, darxumada iyo dhibaatada shacabka ku habsatayna horseeday. Kuwii xaffisyadii ka cararay, calankiina cidlada uga tagay iyo Wafdi walaalahood ah oo waano iyo waan-waan ugu tagay 1994, markay labadii maamul, kii Sacdi iyo Jire bur-bureen oy siyaaso xumi iyo ka fiirsasho la’aan ku bur-bureen, markii uu mugdi badan soo kala dhex galay ayaga iyo dawladda dhexe, halkii la rabay in ay xal siyaasadeed raadiyaan, xidhiidhka ayaga iyo dawladdana hagaajiyaan, ayay si lama filaan ah maalin dharaar ah xafiisyaddii isaga carareen calankii oo dul babanaya, ayagoon cidina waxba ogeysiinin, xitaa shaqaalihii xaffisyada kala saqeynayey.Waxay billaabeen dur gal iyo dibad wareeg.Wax u diyaarsanaa xag siyaasadeed iyo militari toona ma jirin.Waan jabhadaynayna oo xukunka Tigreygaan la dirirayna mooyaane. Dhacdadii u horreysay ee murugo iyo tiiraanyo badan ummadda ku reebtay waxay ahayd iska horimaadkii dhex-maray Sheekh Ibrahim iyo koox la socotay iyo ciidamada Dawladda ee ka dhacay magaalada Wardheer, halkaasoo ugu yaraan ay ku dhinteen 80 dhallinyara ah ayagoo difaacaya Sheekha iyo saaxiibadiis, dad kaloo badanna ku dhaawacmeen.Sheekh Ibrahim oo ka badbaaday dagaalkaas,ayaa si dirqi ah ku baxsaday, wuxuu baqadii ka soo jeestay Jubooyinka iyo koonfurta Somalia. Siduu waqtigaas dalka uga haaday dib dambe ugama soo noqonin,.Keliya markuu la tartamayay Maxamed Cumar 1998 ayaa muuqaalkiisa lagu arkay dalka gudihiisa.Sheekha iyo saaxiibadiis sidaas ayey ku lumeen.Caddani oo hadda ah ku xigeenka Maxamed Cumar mooyaane intoodii kale meel ay cag iyo jaan dhigeen anigu kolley ma maqal, waxayse u egtahay in ay halgankii iyo qaddiyaddii faraha kala bexeen, danahoodana iska raacdeen, kadib markay waddankii hoog iyo halaag u horseedeen. Waan-waan Jaaliyadda Soomalieed ee Addis-Ababa Bartamihii sanadkii1994, dadkii goboolka u dhashay ee ku sugnaa dalka Ethiopia gaar ahaan Addis-Ababa ayaa talaabada Onlf aad uga xumaaday, waxaa durbadiiba la billabay abaabul iyo is-xilqaamid, si wax looga qabto khilaafka soo kala dhex-galay Onlf iyo dawladda. Shirar badan ka bacdi waxay jaaliyaddu ku heshiiyay in si deg-deg ah wafdi loogu diro madaxda Onlf ee duurka gashay.Wafdigaas waxaa ka mid ahaa inta aan ka xusuusto General Cabdiraxmaan Khaliif, Cabdi Adar,Cali Soofe, Yusuf Cabdullahi,Korneel Cadirashiid Axmed Khaliif Eebe ha u naxariiste, Amiir Cali Weeb, Korneel Cabdiramaan Caabi Cabdullahi Farah iyo qooraga maaqalkan. Wafdigu inta uusan u ambabixi dalkii,wuxuu kulamo wada tashi ah la yeshay madaxdii sare ee dawladda, gaar ahaan Madaxweyne Meles Zenawi, si khilaafka xal deg-deg ah loogu helo. Madaxda sare ee Dawladuu way u riyaaqeen tallabadaas jaaliyadda soomali galbeed qaaday, wayna soo dhaweysay.Sahay iyo gaadiid ayey dawladdu diyaarisay si hawshaas dhex-dhex-dhexaadinta ahi wafdigu u soo guto. Annaagoo sidna dardaarankii shacabweynaha soomali galbeed iyo kii dawladda dhexe, ayaan ka ambabaxanay Addis toosna u aadnay halkii naloogu tilmaamay joogitaankooda oo ahayd Tuulada Qoriile oo ka tirsan Goobolka Doollo. Diirrane Cabdi Yaasiin, Cabdiraxmaan Maaday, Yusuf Taani, Ina ugaas Gaataa, Cambaro Dheer, Maxamed Rashid, Napoleon,Allaha ha u naxariiste Deeq Cabdi Raasin ayaa ka mid ahaa dadkii aan ugu tagnay goobtaas. Meel bannan oo geedo teel-teel oo xoday ah ku yiilleen oo aad u kulul, gabaad iyo meel lagu dhuunto midna lahayn ayay ku sugnaayeen. Wiilal dhallin yaro ah oo qoryo haystana dushana ayey ka ilaalinayeen. Salaan iyo is-warsi ka bacdi, waxaan u bandhignay ujeedada socdalka wefdiga iyo farriimihii Madaxweynaha iyo dadweynaha na soo fareen. Waxaan u sheegnay in go’aanka ay qaateen uu cawaaqib xumo keeni doono, in uusan dan u ahayn shacabka ay madaxda u yihiin ee sida haggaasan xilka ugu aaminay. In uu go'aankaas yahay mid caydhiin oon waqtigan u cuntamin dadka miskiinka ee gobolka ******. Waxaan gaarsiinay in cid u garaabaysa oo arrintaas ku taageeraysa aanay jirin.Waxaan kula talinay in ay habboon tahay in ay dhaqso uga noqdaan tallaabadaas aan ujeedada qeexan lahayn.Waxaan kaloo gaarsiinay in cidina waxba u raacanaynin, hawlahoodiina ay markay rabaan ku soo noqon karaan, in khilaafka iyo waxa ay dawladda ku eedeynayaan wada-hadal lagu dhammeeyo iyo in dagaalku uusan marna xal noqonaynin. Habeen iyo maalin ka bacdi oon ku sugnayn Qoriile intaasna wada-hadalladu noo socdeen, waxaan ugu dambayntii ku kala tagnay ballan qaad iyo in ay ka fiiirsan doonaan talooyinkii iyo farriimihii aan u gudbinay. Markaan dib ugu soo laabanay Addis-Ababa, anaagoo warbixintii iyo waxaan la soo kulanay sidna ayaa waxaa naloo sheegay in Dr. Cabdi Adan, wasiir-ku xigeenkii caafimaadka oo si fiican gacan noo siiyay intay socdeen abaabulkii iyo magacaabiddii wafdiga, xiriiriyana noo ahaa annaga iyo madaxda sare in uu ka baxsaday Dawladda. Waxay noqotay arrin yaab iyo amankaag naagu riday, hawshii wafdigana kala dhantaashay dhaawac weyna gaarsiisay. Reportkii iyo warbixintii waxaan u gudbinay Ambassador Peter Roobleh si uu Madaxweynaha u gaarsiiyo. Ayadoo arrintu halkaas mareyso ayaan anigu waddanka ka soo tagay arrimo deg deg ah oo ila soo gudboonaaday dartood. Hayeeshee,waxaan ka war helay in codsigii dadweynaha soomali galbeed, niyad wanaagii ay dawladdu u muujisay Onlf, taloooyinkii wafdigu u gudbiyay, waan-waantii iyo waanadii walaalohood, midkoodna uusan wax midho ah dhalin. Madaxdii Onlf way madax adeygeen,waxaan meel mar ahayna maanka ayey geliyeen, maslaxaddii ummaddana meshaas ayey ku luntay. Muddo gaaban ka bacdina,intoodii badnayd ee madaxda ahayd way ka soo baxsadeen waddankii oo waa kuwa maanta ku sugan Europe, North America, Australia iyo meelo kale ayaga iyo xaasaskoodai yo caruurtoodaba. Markii Europe lagu jactaday oo qaxotinimadii ka hortimid ayaa Maxamed Cumar Cismaan iyo Dr. Maxamed Siraad Dolaal waxay billaabaeen in ay ababulaan diyaarin shir iyo sidii looga takhalusi laha Sheikh Ibrahim, hoggaanka ururkana gacanta loogu dhigi lahaa. Hayeeshe,heshiiskii iyo saaxiibnimadii Dr. Doolaal iyo Maxamed Cumar Cismaan ma noqonin wax waara oo waxtar leh. Maanta labadaa nin mid walba wuxuu sheeganaya madaxtinimada ONLF."Labadii sir ku heshiisa caad bay u colloobaan." Qoraalkan qaybihiisa dambe ayaan mar kale arrintan ku soo qaadi doonaa. La soco qaybta labaad iyo xiligii maxamed Cumar Cismaan Ambasador Ali Cabdi Gurxan Xigasho: www.ceegaag.com You may do a political mistake once but not a twice Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted August 12, 2008 Irrelevant and parochial. I see every Xayraan has the means to scribble down foolish ideas as strategy. Looking for solutions from what was missed in the past [wrongly identified here] is not innovation. Magnifying the difference among two individuals in ONLF leadership is hardly going to lead to a sensible policy recommendations. This writing was a waste! Quote Share this post Link to post Share on other sites
ilax Posted August 12, 2008 Abtigisa & Tolka The right you are, but ONLF did unreversible mistake at that time.All this political mess is the product of ONLF's prematured political stance. Hence, it is not late to have inclusive political system that stands for the people of the region. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted August 12, 2008 Are you talking about transforming ONLF to an all-inclusive organisation that represents all of the people in Somaligalbeed or are you suggesting a miscegenation that ends in being accomdated in the Ethiopian Political landscape? Yes for the first, no to the latter. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ilax Posted August 12, 2008 Originally posted by Abtigiis &Tolka: Are you talking about transforming ONLF to an all-inclusive organisation that represents all of the people in Somaligalbeed or are you suggesting a miscegenation that ends in being accomdated in the Ethiopian Political landscape? Yes for the first, no to the latter. Yes, Iam talking about ONLF's isolation from others. I have the hypothesis that, if there is a unifying political ideology then there will be away out of this 'political turmoil' in the region. But, if there is no such thing, then the region will remain in this darkness and will be left behing in this globalising world. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdulladiif Al-Fiqih Posted August 12, 2008 Ban-tured- Are you the author of this piece by any chance? A&T, as a someone who was present at the region at this time which Mr. gurxan has covered, could you write your perspective on the same subject? From the day Mengistu was ousted onward to where Mr. Gurxan stopped. I would love to read you perspective sxb. About this piece, I read it but 'll have to wait til Ban-tured answer my q if he is the author or not. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Member-sol- Posted August 13, 2008 It's true that the ONLF has a tribal tag on it's name, and may not represent all the tribes in s/galbeed. Also, they are secular leaning organization. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted August 13, 2008 ^And your point is? Haddaasee waxyaalo yar yar iyo tag ku mashquushaa when thousands of civilians are being killed and tortured! ONLF is fighting for freedom, if you want to fight for a name thats up to you sxb! Quote Share this post Link to post Share on other sites
ilax Posted August 13, 2008 Originally posted by Daalibul 'ilm: It's true that the ONLF has a tribal tag on it's name, and may not represent all the tribes in s/galbeed. Also, they are secular leaning organization. Daalibul I am not the author of this peice of writig. Nevetheless, this writer is 'informants'about the 'qalaalasahas siyaasaded ee deegaanka'. And I am sympathetic about his view for ONLF. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted August 13, 2008 Cobole, I have already written this about the debate the guy is trying to start here. As far as being informed is concerned, let me assure this is coming from the horse's mouth. The acrimony over the name ‘O.g.aden’ and the disarray among Somali’s Of late, and even for a while, the name ****** has started to generate an untimely dispute and rancor; Untimely, because there should have been other priorities. I can elaborate. Yes, the name is the genesis of the acrimony; but certainly not the most difficult to resolve. I will ask a question here, just to show what the real difference is? What should we do now as Somali’s in the region? For the sake of the argument, let us shelf the name and agree on Somali-galbeed or a generic ‘Somgadenia’ for that matter. Among the likely answers will be: - Let us come together, take a common name and continue the struggle - Let us stop the fight and seek ‘our rights’, ‘peacefully’: this will need a definition of ‘rights’ and ‘peacefully’. That subjectivity and vagueness is bound to divide people further, I presume. - We ended up in this situation because ONLF chose to fight - No, we are here because we refused to be ‘colonized’ again : this time under a ‘sugar-coated’ pseudo-federalism label - Business can be done with the regime in Addis Ababa - No. no more tricks. We should fight for our rights. After all, freedom is earned, not given as alms. - We should unite first, then fight - No, we can’t wait to unite under occupation. The lack of unity is not an exogenous factor. It is an endogenous one. That factor has to disappear, first. These are, by no means, the only answers. I will ask the readers to add theirs. Nor do the questions end there: Each answer will branch out a myriad of questions. The following ones might be some: - If business can be done with Addis Ababa, What business? To what end? - Ought the struggle to be for self-determination or for ensuring rights ‘within Ethiopia’? Can our rights be ensured in Ethiopia, anyway? What are the risks, expectations and fall back plans for shocks? - Who do we define ourselves as? Somalis or Ethiopian? - What vision do we have for our progeny and for posterity? What culture? The intention here is neither to give answers or suggestions to these difficult questions nor to solicit opinions on this. It is simply to illustrate that the divisions are much more deep than the name. Coming back to the name, proponents include those who are adamant that the region was called ‘******’ and should be called so. This group is not necessarily a collection of tribalists. Most of these people argue from historical perspective and the ‘dual’ advantages that name will have for the struggle against Abyssinian occupation: we are not Ethiopian; nor followers of ‘Somali irredentism’. Another group is tribalists who cling to the name ‘to the letter’ and would not like to accommodate others’ concerns: now or in the future. Opponents are equally diverse. Some are those who are the other side of the coin of the latter group of the proponents: ******-phobes who get goose pimples at the mention of that name. And, would rather live under ‘Christian’ occupation; than those they detest. Others are those who don’t understand why another Somali clan would use a name that is not inclusive at the expense of one that is just fit for everybody. These ones are suspicious of a hidden agenda; but not necessarily hostile to the other clan or less ‘nationalists’. A third group is beneficiaries of the current ‘TPLF’ regime and aspirants for the loot in the region: not from any particular clan; but a coterie of opportunists from Liben to Qabridahar. Sadly, some highly educated people belong to the two groups on either side of the coin- the tribalists; and are the blueblood of the opportunists. Their rainbow colours also mirror their arguments for and against the ONLF and the struggle. Not surprisingly, arguments for subordination range from we should ‘develop’ ourselves first; we would have enjoyed more rights had there been no rebellion against the Tigres, and so on. That argument holds little water in the face of the evidence on the ground. The land annexed to Oromia, as an appeasement, is Babile, Chinac-sani, and Diredawa. Not the land of the ‘rebellious’ clans. And Danbal is not much developed than Danan. Yes, most of those killed are from the ‘rebellious’ clan; but also at least it is in this clan’s areas that almost 100% of the civil servants are from the locals-not highlanders; as opposed to Awbare and Shinile. On the proponents side, yes the region was called ****** (which areas were under this name is disputed), but the challenges today are different. A significant level of animosity has been created by a powerful enemy as part of its ‘divide and rule’ policy. Not only that. The disintegration of Somalia and the death of Somali nationalism severely undermined trust among us; and we are in changing and dynamic environment. Intellectual obsolescence is manifested by sticking to ideas or names clearly no more applicable to the facts on the ground. Change of strategy must be in the menu of true freedom fighters and prudent leaders. In that vein, I call upon the ONLF to initiate wide ranging political discussions among the ‘nationalist’ Somali’s in the region with the prospect of changing the name-if it comes down to that. For now, I am of the view, changing the name will only have a symbolic importance as opposed to substantive result. Why? The SNM name didn’t help to propel others to join in the fight in the North-Western Somalia. Many still associated the name with a particular clan. Yet, symbolic moves to accommodate the feelings of the wider public are a manifestation of political maturity and would allay fears of the nationalist sections. The ‘nationalist’ Somalis would do justice to themselves if they play a proactive role in initiating such discussions and most importantly denounce the massacres of their brothers as a good-will gesture. It is one thing to oppose a functioning and in many cases creditable organization like ONLF; it is quite another to sit back and wait who will win the ongoing battle. “…they come for the communist, and then the Jews, and then…” goes the story from Nazi Germany. It could be you next time around. Who knows what would have happened to the people of Somali-galbeed and the flicker of identity they hold onto until today, had it not been for the gallant struggle of the ONLF!! What and who put the Somali nation in the abyss? It is a question for all Somali’s. Let the inquest begin in earnest. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ilax Posted August 13, 2008 Originally posted by Abtigiis &Tolka: - Let us come together, take a common name and continue the struggle - Let us stop the fight and seek ‘our rights’, ‘peacefully’: this will need a definition of ‘rights’ and ‘peacefully’. That subjectivity and vagueness is bound to divide people further, I presume. - We ended up in this situation because ONLF chose to fight - No, we are here because we refused to be ‘colonized’ again : this time under a ‘sugar-coated’ pseudo-federalism label - Business can be done with the regime in Addis Ababa - No. no more tricks. We should fight for our rights. After all, freedom is earned, not given as alms. - We should unite first, then fight - No, we can’t wait to unite under occupation. The lack of unity is not an exogenous factor. It is an endogenous one. That factor has to disappear, first. The ‘nationalist’ Somalis would do justice to themselves if they play a proactive role in initiating such discussions and most importantly denounce the massacres of their brothers as a good-will gesture. It is one thing to oppose a functioning and in many cases creditable organization like ONLF; it is quite another to sit back and wait who will win the ongoing battle. “…they come for the communist, and then the Jews, and then…” goes the story from Nazi Germany. It could be you next time around. Who knows what would have happened to the people of Somali-galbeed and the flicker of identity they hold onto until today, had it not been for the gallant struggle of the ONLF!! What and who put the Somali nation in the abyss? It is a question for all Somali’s. Let the inquest begin in earnest. [/QB] You have mixed views about the regional ploitics. Politics is not 'static phenomena rather it is a flexible and situational. You talk about the views of diferent political segments in the region. These groups have different views and assumptions about the political solution of the Region. One thing shoudl be clear attrocities , oppression and marginalisation is not some thing new in the Region, it existed since a long time, hence, I don't think it shocks us, cos this is the product of any strugle. Don't forget A& T, Makhtal Daahir as I see in your foot-note, was one of the our ancestors who stood against and rejected these things to happen, but it failled due to many reasons. In any case, this writing is not ment to explain the reasons, let me come back to th topic, it is not about the name what we need is not just a name, its more than that, then, if ONLF is fighting for the sake of this Region , why they are so arrogant to adhere divisive name, if some of us have phobia to hear the name. yes, oppenonts have a good argument that this name s the legacy of the colonisers of which ONLF claims they are fighting for its end. But, all groups have a political capacity deficit. Iam supporting non-of them.What we need is a healthy-ful political organisation that can save the Region from falling in to the conflict trap. Therefore,what We fail all of us is to think intellectually and come up a accomodating political ideology that can be easily preached and desiminated to people in the Region.Hence, its a poltical choice to decide the fate of the region, either, We Succeed, remain part of Ethiopia, or ammulgamate with Somalia, it is the next issue, cos, at that time you have a posotion to bargain. Dont be misled by the ONLF's gorrila and its unexpected achievement. These victores, won't take us any where, if itis not supplemented with 'strong political'ideology, with vissionery political leaders trusted by the majority of the people in the Region. Therefore,t the permanent political solution of this region is far from over; it depends on the how 'political elites', if any., manage and break the political impasse of the Region. A & T, I am very much aware of what happening in the Region. And if you want to understand the poloitical fate of the Region, don't deny the political status of the Region and try to understand in the context of national politics; cos, this will give you a political hope for the envisaged regional independence. In any csse, I see that We did not learn much politically from our mistakes in the past strugle for freedom. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted August 13, 2008 Who said Makhtal Dahir has failed? That his vision is not yet achieved is not indicative of loss. Liberation is tedious process. We are living in new phase, but largely on the foundations laid down by people like Makhtal. Plus, what are you trying to say here? Forget about ONLF, saaxiib. I gave you all the sides of the argument. Haku mashquulin ONLF, they have decided to do something about a situation. ONLF is engaged in a fight. If you think talking about their mistakes [some genuine, some false] will coalesce opinions and will end up in a unified front, you are mistaken. Polarisation is not coming from the ONLF side. You also seem to impute division on ONLF forgetting Ethiopia has hugely invested in widening the rift. What is going on today in JIGJIGA? What is Abay Tsehaye doing there? Is he not organising meetings for clan X, clan Y, fomenting hatred? What I believe you can deduce from my recommendations to the ONLF. But, I surely won't agree that your argument here is timely. Runta haddii laga hadlo, people who are being killed are from specific clan. Cidda kale ee lalaayo waa'ayo? Why do you pretend all communities in the region are suffering equally? That they don't mean there will be a divergence of interst and prioritis. You need to appreciate this. Nin hooyadii iyo aabihii hortiisa lagu dilayo ayaad lee dahay kaalay aan mustaqbal kawada hadalo adigoon xanuunkii kala qayb-qaadan. Adeer, let us be fair. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted August 13, 2008 Originally posted by Abtigiis &Tolka: Nin hooyadii iyo aabihii hortiisa lagu dilayo ayaad lee dahay kaalay aan mustaqbal kawada hadalo adigoon xanuunkii kala qayb-qaadan. Adeer, let us be fair. Well said! Plus, if you disagree with ONLF that's absolutely OK, go ahead and fight the enemy on your way. The goal is to kick the occupiers out. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted August 13, 2008 The Zack Maybe, his goal is to keep the occupation and settle for the bones they throw to us in the name of Federalism. I shouldn't judge him, but something is fishy about this Bantured. Adeer, as we speak villages are razed to ground and our elders are languishing in prisionsin Zeway. ONLF might be right or wrong about their strategies, but it is not the right time to start debate on that issue, least in public forums which will not change the situation. Of course, we can all lobby efeectively with the people who are concerned if the real deal is to get a change of direction. Hadii kale, enough dicrediting of the heroes who are resisting occupation has been on-going and if you are intersted in chewing on more of their entrails, may the road be full of water and roses for you. Go to Kilil5.com. There, you will find enough 'debates' about ONLF! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdulladiif Al-Fiqih Posted August 13, 2008 Ban-tured- I was hoping you are the Amb Gurxan himself but you disappointed me for not being him. Eitherway, lets wait and see what his Q2aad will contain----I can imagine the same diatribe against ONLF while he is sitting at the comfort of his own home somehere in the west while the ones he's criticizing are loosing their lives for this just cause. A&T, well written piece sxb. Quote Share this post Link to post Share on other sites