Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan Muqdisho Kula Qaatay Wasiirka Difaac Dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Kulan qado sharaf ah hoygiisa ugu sameeyay Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Difaaca Kenya ayaa ka wada hadlay xoojinta amniga labada dal iyo sidii wadajir la’isaga kaashan lahaa ciribtirka iyo la dagaallanka  Al-shabaab, kaas oo wajigiisa labaad dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay dhibaatada argagixisadu in ay saameyn ku wada leedahay waddamada gobolka, ciribtirkooduna uu wax weyn ka beddellayo amniga, nolosha iyo horumar ka tisqaada gobolka.

Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale, ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, wuxuuna ballan qaaday in Dowladdiisu ay kaalin muuqata ka qaadan doonto sidii loo soo afjari lahaa kooxaha Al-shabaab.

393593655_793587932807815_52065343658625 393626244_793587906141151_44464395032638 393626944_793587952807813_72083928720628 393690614_793587899474485_51250067893749 393751755_793587926141149_19228121665001

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this