Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo bayaan culus kasoo saartay duqeynta Israel, kuna baaqday…

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeyntii Israel ka geysteen Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza.

Duqeyntan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, maadama isbitaalka yaalleen boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo kamida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaanka ay soo saartay oo ku qornaa afka Carabiga ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah.

Bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto sharciga caalamiga iyo xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah.”

Bayaankan ayaa sidoo kale si cad loogu xusay in duqeyntaas ay fuliyeen ciidamada gumeystaha, ayna masuuliyadeeda leedahay Israel, oo ayadu durba billowday inay dafirto arrintaasi.

Dad ka badan 500 oo qof oo u badan haween iyo caruur ayaa ku dhintay duqeynta xalay ay Israel la beegsatay Isbitaalka magaalada Gaza ee Al-Ahli Arab Hospital.

394028080_793511092815499_85151374982761

The post DF oo bayaan culus kasoo saartay duqeynta Israel, kuna baaqday… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this