Sign in to follow this  
Deeq A.

Antonio Guterres oo cambaareeyay xasuuqii Israa’iil ka geysatay isbitaalka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
AA-20230918-32184334-32184316-PRIVATE_SE

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo weerarka Israa’iil ku qaadday isbitaal ku yaalla Gaza oo ay ku dishay in ka badan 500 oo ruux.

Xoghayaha oo ku sugan magaalada Beijing ayaa ku baaqay xabad joojin isagoo dhinaca kalena yiri “weerarada Xamaas qiil uma noqon karaan ciqaab wadareedka lagu samaynayo dadka Falastiiniyiinta”.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay madal lagu xusaayey 10 sano guurada Hindisaha Belt and Road Initiative ee Shiinaha ayaa baaq u jeediyay labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas.

Xamaas ayuu ugu baaqay in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso maxaabiista ku jirta gacanteeda,halka Israa’iil  uu sidoo kale ugu baaqay in ay si dhakhso ah u oggolaato helitaanka gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo Gaza.

Maamulka caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ilaa 500 oo qof ay ku dhinteen weerarka isbitaalka, oo ay si weyn u cambaareeyeen madaxda caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

PUNTLAND POST

The post Antonio Guterres oo cambaareeyay xasuuqii Israa’iil ka geysatay isbitaalka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this