Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Duqeymaha Israel Ee Magaalada Qaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Isbitaalka Al-Ahli ee Gaza kaas oo ay ku dhinteen boqollaal Falastiiniyiin ah, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya in kabadan 500.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliiya ayaa lagu yiri “waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto Sharciga Caalamiga iyo xabbad joojin deg deg ah oo shuruud la,aan ah “.

Dad ka badan 500 oo qof oo u badan haween iyo carruur ayaa ku dhintay duqeynta Xalay ay isra’il la beegsatay Isbitaalka Al- Ahli, taas oo dunida siyaabo kale duwan ay uga hadashay wax aka dhacay .

Inta badan dowladaha caalamka iyo ururrada samafalka ayaa sidoo kale cambaarayn xooggan u jeediyay gebi ahaan duqymaha lagu beegsanayo shacabka ee ay Israa’iil ka wado marinka Qasa ee Falastiin.

Hadalka kasoo baxay dowladda Soomalaiya ayaa kusoo aadaya xilli dalalka ku midaysan Jaamacadda Carabta ay si isku mid ah ay u cambaareeyeen, falka Israel ay ku weerartay Isbitaalka marinka Qasa.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this