Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celinta arrintii uu shalay ku dhowaaqay Yuusuf Madaale

Recommended Posts

Deeq A.   
madaale.jpg?fit=860%2C574&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay ku dhawaaqay in waddooyinka caasimadda Muqdisho loo bixinayo magacyo Soomaali ah.

“Waxaan rabnaa in waddooyinka magacyadooda badalno oo u bedelno Soomaali, dadkii halgamayaasha ahaa in aan u beddelno ayaa rabnaa haddii Ilaahay yiraahdo,” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Arrintaan ayaa waxaa si kala duwan uga fal-celiyay bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood soo dhaweeyay, halka kuwa kalena ay sheegeen in macno badan soo kordhineyn magac bedelka waddooyinka iyo kuwa cusub loo bixinayo.

Dadka aragti dambe qaba ayaa aaminsan in ay muhiimadda koowaad tahay in caasimadda hesho waddooyin ku fulin, halka kuwa cusub iyo kuwii hore la dayactirayo loo dhiso si tayo leh oo horumarsan.

Maamulka gobolka oo ugu horreeyo guddoomiye Madaale ayaa maalmihii u dambeeyay dhagax dhigay waddooyinka caasimadda qaarkood oo dib loo dayac-tirayo iyo kuwo cusub ah, halka qaarkood xariga laga jaray isla toddobaadkan gudihiisa.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dar-daarmay shacabka degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan bilicda, nadaafada iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horeyso wadooyinka dib loo dhisaayo.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamed Hanad Axmed: “Walaalow waddanka meel biyo mareen u sameey waxa lamiga haleynayo wa biyaha meel walbo fariisanaya.”

“Guddoomiye dadka aad qandaraaska siinayso shaqadodo iyo waxay yaqaanan iska hubiya,” ayuu yiri Ridwaan Xaashi.

Cali Nadaara ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Meel biyuhu maraaan haloo sameeyo haddui larabo iney waarto.”

“Waddo tayo leh noo dhisa waxba soo kordhin mayso magac la badbadalo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Cabdulqaadir Maxamed Baadi: “Guddoomiye magaca yaan la badalin taariikh ayuu xambaarsan yahay, sow dhibaato ma ahan hadaanan taariikhda aanan qoreynin, aana dumineyno badaleyno waxyaabihii qadiimiga.”

“Waddo ha dhisina fadlan hada biyo mareeno raacineyn dadku sidee biyo umareynayaan, biyaha meel u hela laamiya la is ka dhisaa an laheyn biyo mareen,” ayuu yiri Sharmaake Yare.

The post Fal-celinta arrintii uu shalay ku dhowaaqay Yuusuf Madaale appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this